Jaaliyada Somaliland ee Norway oo Shahaado Sharaf Guddoonsiisay Maayirka Hargeysa

0
990

shahaado-sharaf44Hargeysa,(HargeisaPress) — Jaaliyadda Somaliland u dhalatay eek u dhaqan dalka Norway, ayaa guddoonsiiyey shalay Maayirka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) shahaado sharaf ay ku maamuusayeen, kuna sheegeen inuu dedaal xagga shaqada uu caasimadda ka hoyo ku mutaystay.

Xubnaha jaaliyadda ka socday, ayaa ballanqaaday inay caasimadda ka dhisi doonaan xarun weyn oo lagu xannaaneeyo dadka waaweyn iyo dadka maskaxda ka xanuunsanay ee aan haysan ehelo iyo dad daryeela, waxaanay Maayirka ugu bushaareeyeen inay hawlo badan wax kala qaban doonaan.

Xubnaha jaaliyadda Somaliland ee dalka Norway ayaa maayirka uga mahad naqay sida uu bilicda caasimadda wax uga qabanayo iyo dedaalka dheeraad ah ee uu ugu jiro hawlaha dawlada hoose.

“Waxaannu u nimid in aannu Shaado Sharaf idinku siino qaabka wanaagsan ee aad shaqadda u wadaan, sida dayrarka waddooyinka soo galay aad u duminaysaan, waddooyinka cusub ee aad samaynaysaan iyo qaabka xashiishka u garaysaanoo aannu idinku hambalyeynayaa,” ayuu yidhi Mr. Cabdi Jirde Haybe oo xubnaha jaaliyadda ka mid ah.

Sidoo kale, xubnahan reer Norway waxay tilmaameen inay doonayaan in ay wax badan kala shaqeeyaan dawlada hoose, waxaannu yidhi Cabdi Jirde; “Waxaana doonaynaa in wax badan oo kalena idinku soo kordhino, waxa jira dad waaweyn oo baahan oo dadkoodu aanay hayn karin, in aanu u samayno goob lagu xanaaneeyo, waxaana qorshaha noogu jiraa in 329 qof meel lagu hayn karo u samaynayo, annagoo arrintaasi nagala shaqayn doonno ganacsato reer Hargeysa ah, jaaliyadda gobolkan Maroodi-jeex meel kasta oo ay joogaan waa inay qayb ka qaataan horumarinta caasimadda, maayirka oo qudha kaligii waxba ma wadi karo,waxay u baahan tahay in lala caawiyo oo la garab istaago, waxanu doonayna in xubno jaaliyadda reer Norway ah ooo kula shaqeeya kaaga tagi doonno anaguna wixii aanu Norway ka soo helno idinku soo xidhi doonno.”

Maayirka caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Soltelco, ayaa u mahadceliyey jaaliyadda reer Norway ee Gobolka Maroodi-jeex, waxaannu yidhi; “Waddan waxa dhisa qurba-joogtiisa soo arkay waddamadda kale, qofka halkan joogga waxa uu ku fikirayaa wuxuu arkayo, laakiin ninka qurbo- jooga wuxuu soo arkay dalal badan iyo horumarka ka jira, sidaas ayuu ugu dabaqayaa waddankiisana, waannu soo dhoweynaa meesha aaad tidhaahdeen dadka waaweyn ayaa lagu xannaanaynayaa, wax kale oo fiicana waynu wada qaban doonaa waxaana tihiin jaaliyadiina Norway jaaliyadaha ugu firfricoon”

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY