Itoobiya Oo Qaramada Midoobay Ka Codsatay In Cunaqabataynta Laga Qaado Eratariya & Soomaaliya Doonaysa In Caawimada Laga Jaro Somaliland

0
966

Addis Ababa, (HargeisaPress) —Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah uga codsatay Qaramada Midoobay in dalka Eritrea laga qaado cunaqabateynta saaran, saacado kaddib markii hoggaamiyayaasha labadaasi dal ay saxeexeen is afgarad lagu soo afjarayo xaaladdii colaadda ee dalalkooda u dhaxaysay.

Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo ka laabtay booqashadii taariikhiga aheyd ee uu Isniintii ku tegay dalka Eritrea, ayaa waxa uu codsiga arrintan hor-dhigay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ay kulan ku yeesheen magaalada Addis Ababa.

Hasa-yeeshee codsiga noocaasi oo kale ayey tahay inuu ka doodo oo uu meelmariyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Golahaasi oo Eritrea cunaqabateynta ku soo rogay 2009 , kaddib markii dalalka dariska la ah ee Bariga Afrika ay ku eedeeyeen in dalkaasi uu taageero maleeshiyaad Islaami ah oo gobolka ka dagaalama.

Dowladda uu fadhigeedu yahay magaalada Asmara markastaa waxa ay diidi jirtay eedaha loo soo jeediyay.

Codsigan loo gudbiyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters ayey u badan tahay in Golaha Ammaanku uu taageeri doono halkaas oo Itoobiya ay ka tahay xubin aan joogta aheyn.

Qoraalka uu Raysal-wasaaraha Itoobiya u gudbiyey Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa ku soo beegmaya xilli labada Toddobaad ka hor, Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ay Qaadhaan-bixiyeyaasha reer Yurub ka codsatay inay Somaliland ka jaraan Taageerada Dhaqaale ee ay sida gaarka ah u siiyaan.

Codsigan Qalafsan ee Soomaaliya u gudbisay Qaadhaan-bixiyeyaasha, ayaa ku soo aaday Xilli Mandaqadda Geeska Afrika ay ka socdaan dedaal nabadeed iyo furfurnaansho siyaasadeed.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here