Itoobiya Iyo Djibouti Oo Dejinaya Dareen Ka Dhashay Dagaalkii Qoomiyadaha Itoobiya Oo Taabtay Xidhiidhka Labada Wadan

0
1163

Hargeysa, (HargeisaPress) — Dawladda Djibouti ayaa dalkeeda ka masaafurisay kumanaan ruux oo u dhashay dalka Itoobiya, waxaanay Djibouti muwaadiniinteeda kala baxday dalka Itoobiya.

Arrimahan ayaa yimid ka dib markii dhawaan magaalada Diridhaba ee Itoobiya oo ay rabshado ka dhaceen lagu laayay dad reer Djibouti ah. 5 ruux oo reer Djibouti ayaa la sheegay in gurigooda Diridhaba oo ay u xagaa baxeen lagu gubay, kuwaas oo dhammaantood geeriyooday, waana sababta ay dawladda Djibouti go’aamadan u qaadatay. Sidoo kale dad Itoobiyaan ah oo Djibouti degenaa ayaa iyagana lagu waxyeeleeyay.

Dawladda Itoobiya ayaa Djibouti u dirtay wefti uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Workeneh Gebeyehu oo shalay kulan la yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele. Wakaaladda wararka ee Itoobiya ayaa wasiirka ka soo xigatay inaanu shil kooban oo dhacay saamayn ku yeelan doonin xidhiidhka Itoobiya iyo Djibouti, waxaanu sheegay inuu Madaxweyne Geele gaadhsiiyay farriin tacsi ah oo uu uga siday Raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed, “Shilka dhacay laguma xidhi karo xidhidihka guud ee ka dhexeeya labada shacab.” Ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu sheegay in Itoobiya maxkamad soo taagi doonto dadkii ka dambeeyay dadka reer Djibouti ee lagu laayay Diridhaba.

Geeska

LEAVE A REPLY