Isticmaalka Shilinka Somaliland Waxa Uu Mahuraan U Yahay jiritaanka Qaran Ee Somaliland.

0
1391
somaliland-shillings

Isticmaalka Shilinka Somaliland Waxa Uu Mahuraan U Yahay jiritaanka Qaran Ee Somaliland Dallada SSE oo ay ka bahoobeen ururada Somaliland ee Yurub waxa ay baaqan kooban ku muujinayaan aafada dhaqaale ee ka dhalan kara haddii aan loo hoggaansamin aanada iyo talooyinka uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud uu ku soo saaray wareegtada.

Waxaynu ka warqabnaa in 24kii bisha Janaayo 2017 uu Madaxweynuhu soo saaray wareegto ka koobneyd 17 qoddob oo ujjeeddo ahaan salka ku hayay sidii loola dagaalami lahaa qiimo dhaca ku yimid shilinka Somaliland oo sababay in ascaartii aasaaska u ahaa nolosha dadka reer Somaliland uu ku yimaado sicir barar khatar ku ah nolosha dhammaan shicibka reer Somaliland. Walow aynu qaadanay nidaamka dhaqaalaha ee xorta ah oo maanta ganacsatada Somaliland ay si xor ah ugu ganacsadaan baayacmushtarkooda suuqyada Somaliland ayaa haddana waxa aynu markaahti ka wada nahay in Shicib iyo Xukuumadba aynu si wadajir ah u meel-marinay in dhammaan wixii adeegyo ah la isku weydaarsado lacagta doolarka oo sannadba sannadka ka sii dambeeya aynu wiiqno qiimihii ay yeelan lahayd lacagta maxaliga ah ee Somaliland. Waxa kale oo iyaduna jirta in la

wiiqay awoodii wax-qabad ee uu yeelan lahaa Bangiga Dhexe ee Somaliland.Waxa kale oo iyaduna meesha ku jira in dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya in qaadka aynu ka iibsano ay ku soo rogeen in doolar lagaga bedasho, taasoo maalin walba xuduudka ay ka gudbaan lacag adag oo kumanaan doolar ah oo dhaawac iyo dhabar-jab ku ah dhaqaalaheena iska liita oo weliba dhoofkii xoolaha aynu dhoofin jirneyna ay ilaa hadda xayiraad saarantahay. Labo arrimoodba waa muhiim in xukuumadda Somaliland kala hadasho Dowladda Itoobiya, kuwaasoo ah in sidii caadiga aheyd in qaadka iibsigiisa ay ku aqbalaan lacagta Itoobiya (Birr) iyo weliba inay aqbalaan in badeecadaheenu ay si xor ah u galaan Itoobiya. Waxa Ilaahay inagu manaystay khayraad dabiici sida milixda iyo kalluunka oo ay Itoobiya baahi u qabto. Waa in la abuuraa suuq ku wajahan kheyraadkan oo Itoobiya lagu qasbaa inay inaga qaadato badeecadahaa ay u baahantahay.

                                     advertisements

Dallad ahaan waxa aanu aad u taageersanahay 17 qoddob ee laga soo saaray sidii loo isticmaali lahaa shilinka Somaliland oo ka mid ah astaamaha Qaranimo ee Somalailand. Dallada SSE iyada oo dareensan in arrimahan kor ku xusan ay tahay mas,uuliyad inawada saaran gaar shicib iyo ganacsataba ayaa haddana waxay masuuliyad gaar ahi sii saarantahay xukuumadda Somaliland. Go,aamo in la soo saaraa way sahlantay, waxaase hubaal ah in fulintooda iyo hirgelintoodu ay u baahantahay shaqo aan nasasho lahayn iyo weliba xil iyo waajibaad adag oo ku wajahan meelmarinta wareegtada iyo go,aamada la soo saaray. Waxa kale oo aan dhiirigelin u soo jeedinaynaa guddiga uu Madaxweynuhu u magacaabay sidii ay arrimahan ka midho dhallintooda ay uga soo saari lahaayeen daraasad xeel dheer. Guddiga waxa aanu xasuusinaynaa in Somaliland lacagteedii maxaliga ahaa ay marayso heer jiritaankeedu uu khatar ku jiro oo haddii aan maanta la daba qaban ay aad u adkaan doonto in markale xal loo helo. aamo kasta oo la soo saaraa waxa hubaal ah in saameyn taban iyo qaar toganba ay yeelanayaan,nwaxaase hubaal ah in si loo badbaadiyo kobaca dhaqaale ee Somaliland, si loola dagaalamo qiimo dhaca shillinka Somaliland iyo weliba si loo xakameeyo sicir-bararka iyo ascaarta sare u kacey in loo baahanyahay ama ay mahuraan tahay in si wadajir ah loo wada hawl galo. Shillinka Somaliland oo qiimo yeelan waayaa waa qiimo dhac iyo sharaf-dhac ku imanaya Qaranka Somaliland. Waxa la badbaadinayaa waa karaamada, maamuuska iyo haybada Qaranimo oo ah wax inaga wada dhaxeeya.

Gebo-gebo ahaan fulinta go,aamada uu madaxweynuhu soo saaray waa qaar u baahan inaynu u wada hiilino maadaama ay dan guud tahay. Danta guud oo la waayaa waxay khatar ku tahay danta gaarka ah ee cid kastaa leedahay. Ugu dambeyn xukuumadda waxa aanu ka rajaynaynaa in la soo celiyo awoodii wax-qabad ee Bangiga dhexe oo isagu aasaas u ah dhammaan arrimaha lacagta, maaliyada iyo weliba dhammaan wixii la xidhiidha sarrifka lacagaha iyo xakameyntooda iyo jaangoyntooda.

Guul iyo gobanimo ayaynu rajaynaynaa dhammaan dadka reer.

Alle ayaa mahad leh,

Guddiga fulinta ee Dallada SSE

Wixii faahfaahina kala soo xidhiidh:

00 45 25 53 93 15

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here