‘Israa’iil waa Qaran ay Leeyihiin Dadka Yuhuudda ah oo Qudha ee Cid Kalena Lama Laha’

0
954
Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu delivers a statement to the press on February 28, 2019, at his residency in Jerusalem. - Israel's attorney general announced today he intended to indict the prime minister on charges of bribery, fraud and breach of trust in a decision just weeks ahead of April elections.Netanyahu called the allegations a "witch hunt" meant to topple him after the attorney general announced plans to indict him. (Photo by Gali TIBBON / AFP)

Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil oo ku dooday in dalkiisu yahay mid ay leeyihiin bulshada Yuhuudda ah

Tel Aviv — Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil Mr. Benjamin Netanyahu, ayaa ku dooday in dalkiisu yahay mid ay leeyihiin, isla markaana u gaar ah dadka Yuhuudda ah oo qudha, cid kalena aanay la wadaagin, balse waxa uu xusay in muwaadiniinta kale ee ay ka mid yihiin bulshooyinka Carabta ay xuquuq siman ku leeyihiin dalkiisa.

Sida lagu sheegay warbixin lagu faafiyey website-ka telefiishanka Al-jazeera oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay xalay, hadalkan ka soo baxay Ra’iisal-wasaaraha Yuhuuddu, waxa uu jawaab u ahaa qoraal ay faafisay haweenay Agtarad ama jilaa ah oo magaceeda la yidhaah Rotem Sela, taasoo baraha bulshada ku soo bandhigay sida ay muhiimka u tahay in dalka Israa’iil noqdo waddan ay wada leeyihiin muwaadiniinta oo dhan.

“Goorma ayuu qofkasta oo ku jiray dowladdan (Israa’iil) u sheegi doonaa bulshada in dalkani yahay mid ay wada leeyihiin dhammaanba muwaadiniintiisu, dadkuna ay siman yihiin, kuna dhasheen iyagoo siman oo aannu qofna qof kale waxba dheerayn…Sidoo kale muwaadiniinta Carabta ah ee (degan Israa’iil) waa dad bani’aadam ah…” ayey tidhi Rotem Sela oo markaas u jawaabaysay Wasiirka Dhaqanka Israa’iil oo hadallo hayb-sooc ah ku hadlay mar uu waraysi siiyey saxaafadda dalkooda.

Hasayeeshee, Ra’iisal-wasaare Netanyahu oo u hiilinaya Wasiirkiisa Dhaqanka, ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegay in dalka Israa’iil yahay waddan u gaar ah dadka Yuhuudda ah oo qudha.

“Dalka Israa’iil maaha mid ka dhexeeya muwaadiniinta oo dhan…Sida ku cad sharciga muwaadinimada ee dhawaan la ansixiyey, Israa’iil waa qaran ay leeyihiin dadka Yuhuudda ah oo qudha, iyaga ayuun baa leh, cid kalena lama laha,” ayuu yidhi Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil, isagoo intaas ku daray in dhammaanba muwaadiniinta kale oo ay ku jiraan dadka Carabta ah ay leeyihiin xuquuq siman.

Sharcigan uu soo xigtay Ra’iisal-wasaaruhu, ayaa hore dood badan uga abuuray gudaha Israa’iil iyo meelo badan oo caalamka, halka sidoo kale sannadkii 2018 la ansixiyey sharci waajibinaya in Luqadda Yuhuudda ee loo yaqaan Hebrew-gu ay tahay luqadda qudha ee sida rasmiga ah uga shaqaynaysa Israa’iil, iyadoo hoos loo dhigay luqadda Carabiga, arrimahaas oo qayb ka ah qorshayaasha lagu doonayo in Yuhuudda lagu siiyo dhulka ay leeyihiin bulshooyinka reer Falastiin.

Ra’iisal-wasaare Benjamin Netanyahu, ayaa olole xooggan ugu jira sidii mar kale dib loogu soo dooran lahaa marka la gaadho doorashooyinka u muddaysan inay dalka Israa’iil ka qabsoomaan 9 April 2019, isagoo caddaadis xooggan kala kulmaya isbahaysiga xisbiyada mucaaridka ah.

HargeisaPress.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY