ISMAAN LAHAYN! (SHEEKO GAABAN)W/Q:IBRAAHIN XAAJI CABDI TALLAABO

0
582

Marnaba ismuu lahayn tan oo kale ayaad kala kulmaysaa. Waxa islaahaan wayaay moodiisi hore iyo dhabta meesha taala. Axmed wuxuu ku dhashay magaalada hargeysa hilladii 1991, mana uusan arag rafaad iyo jab intu noolaa, inkaastoo reerkoodu bandarka ku lahayn waxa aduunyo aha oo buuran haddana, hooyadii iyo aabihii waxay ku dedaali jireen inaanuu dareemin waxa dhib ah. Waxay dhaafiyeen qarkii iyo qarkii ku xigihiiba.Aabihii oo la odhan jiray warsame wuxu ahaa waashmaan, hooyadiina cambaro iyana suuqa ayey la fadhiisan jirtay inyar oo khudrada. Iyagu wax carruura waxay lahayeen kaligii oo ay weyni ku dhaleen. Waxay ku foognayeen siduu u noqon lahaa qof wax qabsada, oo heer sarre gaadha. Haddaba intii uu Axmed galin badweyntii, hiyigii iyo himiladii balwaddu ku ladhnayd. wuxuu ahaa wiil waalid adeec ah, kuna dadaala aqoontiisa, jecelna waxbarasha higsanayana hir dheer oo aanay markaas ku fikirayn dhallintii uu la gadaha ahaa. Waxay saaxiibadii ku dacaydan jireen nin dhul jacayl iyo daljirnimo ka buuxdo, oo aan fahansanayn sirta nolosha siday iyaga markaas la ahayd. Wuxuu sidaas ahaadaba, markii uu dhammaystay dugsigii sare ayuu awoodi wayaay in iska bixiyo jaamacadii, cidd caawisana waayey. Isagga oo niyad jabay oo orod iyo ayaan midna ku wayaay shaqo, oo fikiray niyaadisa iyo qalbigiisuna la baaxa dagayaan xalinta hawsha la kulantay, oo maaro iyo miicin u la’yahay fariimaha iyo murugooyinka maroora ee maskaxadiisu isku dhex mulaaqday. Waxa maankiisa haddba soo miir kicinaya, da’ yar ay jaall ahayeen oo beegsaday tahriib, kuna biimeeyay lafahoodii badda u dhaxaysa waqooyiga afrika iyo yurub, kuwaas oo ka badbaaday qudhbixii-bixi socdaalkii halaagu ku lammaana oo u maqlay inay maal badan tabacadeen , oo kan raysten bi’ii iyo baabi’ii afrika, hase ahaatee caqligiisu waa hilmaamay hebelladii badanna ee ku geeriyooday oo waliba sida xun u dhintay ee libaaxbadeedka iyo saxaraha u gacan galay ee wali la’ layahay raq iyo ruux meelay ku dambeeyen. Illayn waa “ nin meel u caddahay meeli ka madoobe “.wuxu bilaabay tabaabushihii dhaqaaqi waalida ahaa una shandado xidhxidhay . wuxuuna helay koox aysku xafad ahayeen oo la meherada ahayd isaga. waxa aduunyo ah wuxu sita xooga yar oo dhawr boqol oo doolar ah, intaas oo uu ka soo xaday lacag ay hooyadii hagbad u haysa dumar ay suuqa ka wada xoogsadaan. Bilaabe hayaankii ay ku haligayeen nafahooda. waa dhallinyaro uunka waxbadan ka arag gu’gooduna waa 20 iyo qaar wax yar dhaafay, ha yeeshe carruurimo iyo caqli-xumo ayaa qaaday iyo waliba garasho liidata. Garanmayaan halkay qabanayaan wax kaga horreeya, waxayse laabta ku hayaan inay dhaqaale iyo dheef badan ka soo xantoobbsadan goobtaas laakiin waa dhalanteed biyo kama dhibcaan ah. Waxay jidka ku sii jiraanba.. waxay gaadheen Adis-ababa oo ah meeshay ka heleen, kuwa dadka madlufiya oo loogu yeedho mukhalisiin. Kana baayac-mushtara dadka nool una kala gudbiya dalalka ka sokeeya halkay yoolkoodu yahay dhallintna ambadka ah, Ku dare qaar sidooda oo kale ahaa. La’ saar baabuur yar oo qaaday shan iyo toban qof laakiin lagu ururiyey dadka badan lixdan qof. Waxay sii socdanba oo ay huur, neefsi la’aan iyo cidhiidh u dhiman gaadheen ayey ku war heleen gaadhigii oo la joojiyey, dabadeed “soo dhaadhaca” lagu yidhi. Is yidhaahde “tolow maxaa dhacay!”. Waxa loogu warceliyey in xuduudkii dhawyahay sidaas darteed la lugaynaayo si xadka ay uga gudbaan. Yeele, hase ahaate markii inyar dhaqaaqeenba waxa ku soo baxay ciidammo, naxdin iyo anfariir yaace kadibna la rasaaseeyay iyana. Axmed iyo saaxiibadii isla hele jaanta, marka laga reebo mid kamid ah asxaabtoodii oo ay xabadii haleeshay iyo inan ay wayeen meelay jaan iyo cidhiba dhigtay, laakiin ku tiriye inay firdhadkii kaymahii u dhawgashay. Yaacid iyo balaal daymood ayaa dilay dhammaantood oo waxay isleeyihiin orod uun miicinsada, waxay marba xidh, kaymo, banaan iyo buur yar jidhaanba. Waxa goor habeen ah u baxay baabuur guuxisii iyagoo lix caano maal afkaba wax saarin oo oon iyo gaajo daris la noqday. Nasiib wanaag soo gaadhe sanqadhii u baxday waa tuulo ku taal suudaan, oo gaadhi ka istaadhan yahay, ilayn cabsi ba ku gadaamane iyaga oo bacdii ay dabayli lushaba way ka cabsanayeen, waxay u soo dhukisaanba, dhagaysteena cidda meesha ka dhurmaysa. Waxay maqleen niman ku wada sheekaysanay afka carabiga, farxe una soo luude goobta iyada ahayd, markii hore way ka baqayeen. waa afar wiil iyo gabadh. Iyagu waa wiilashe waxay ahayeen kuwoo wada socday, inantuse waxay ka soo raacday kolkii la kala firxaday. Kasoo fuule halkaas gaadhi keenay magaalo kamida suudaan. Wax dhaqaalaha ma haysatan .ku qayli oo la hadle aabbo iyo hooyo markii hore la soo caydheeya. Iyana waa waallide, kii hayeyna la soo carar , kii kalena soo dawarsay. Halkii ka sii wadde safarkoodii. Saxarihii markay marayeen baabuurkii la socdeen waa u qalibmay, kobtaas waxa ku geeriyooday laba kamid ah jaallayaashii Axmed. Waa loo badeedhey ilayne. Sii socde iyagoo qalibka ku dhisanaya, waxaan loo dhibtoon dhayal laguma hanto. Waa tahriib iyo cadaadii, galmooni, geeri, magafe, oon u gawracmid iyo dhib gurigiisa weeye. Ugu hoydee tiriboli nabad qab. Markay in mudo ah joogeen ayaa Axmed waxa ku dhuftay cudurka Qaaxada. Wax maal aduunyo iyo lacagtoona mahayaan gabadh iyo wiilkii ka soo hadhay kooxdoodii. Ula soo hadle dhulkii ay ka caymadeen, waa hooyo iyo aabbo sabool ah, huqdii iyo naxdinbuu ku dilay intuu cafimaadka qabay. Waxay ka warwar jireen meesha u ku suganyahay. Imikan waa isagii oo la yidhiba wuu sakaaradayaa. Waa waallid iyo wixii lagu yaqaanaye way u baryo tageen miyi iyo magaalotoona may dhaafin cagtay mariyeen rabbina ku guulee, oo aduunyo ay ku daweeyaan u soo hele. Waxay ku qaadatay muddo sideed bilood ah in uu jiifo isbitaalkii, allana u sakhir saaxiibadii wanaagsan ee wiilka iyo gabadh ahaa, oo goobtaas isku-guursaday hayayna isaga. Markii uu ka soo baxay isbitaalkii bay halkoodii ka fadkudiyeen, ku soo caabad labadii waalid ee hore uga idleeyay waxay hayeen, uga sheekee inu isdili doono oo goyn doono naftiisa haddii aan loo soo dirin lacagtii doonta. Waxba kumay hadhin iyaga isaguba wuu ogaa meelkale oo ay u baryo tagaan majirto oo albaab kasta wuu kasoo xidhmay. Waxay go’aan ku gaadheen inay u iibiyaan baloodh yar oo ay wax duunyo ah ka haysteen. U iibiye, kuna kor doon baastii. Waxay sii sabbaysaba, jihaadiiba ka luntay xagay u socdeenba way garwayeen. Markii ila 12 cisho ku jireen baddii oo maalinba dhawr qof gaajo u dhimanayeen ayaa maalinti dambe wax sakaraadkii qabtay saaxiibkii iyo xaaskii oo uur lahayd. Waa cidla cirsi la’ isaga iyo dhawr qof oo kiciba karayn baa fuushan doonta,Cidna cid u gargaarimayso , ma oohinba wax ku tari iyo calaacal. Isaga oo indhihiisu shan yihiinbay labadoodiba go’een. Isagii oo wadka uun sugayey ayaa wax la kulantay markab oo badbaadiyey. Doonta waxay ku soo fuuleen sagaashameeye qof waxaan ka samata-baxay ila 25 ruux. Gaadhe talyaaniga farihiina laga qaad, markay ayaamo kooban ku jireen kaam la yidhi “gala magaalka”. Wuxu kolba gidaar seexdo, sillic iyo saxariirrna u dhammaaday. Ayuu nin iska dhigay xoogsi tagay baabuurta maydh, wuxu intaas waddaba. Fursad buu helay u kaga baxo italyaaniga nasiibdaro markii u holand tagayba waa la soo celiyey waxan sabab u ah farihii laga dhigay. Milaygan wuxuu ahaa xilligii ugu adka Axmed reerkooda wax duunyo ah uma reebin, yurubtuu rabayna may noqon sidu moodayey. Faro ayaa laga dhigay dhinacna uma dhaafi karo talyaaniga nolol kuma haysto oo wuxu wax la cuna ayda. Wax intaas usii dheer xasuustii rafaadkii iyo jabkii u soo maray iyo waxa hadda soo wajahay. Waxa kalkiisa ka guuxaya waydiimo badan, hase yeeshe uma hayn jawaabo waafiya oo qanci kara maskaxdiisa. Waxa ku soo dhacaysa maankiisa sidu mooday iyo siday tahay. Wuxu qalbiga iska leeyahay “ maan moodayn sidan!, ismaan lahay yurub waa sidan!. Haddana wuxu gadal ufiirinayaa dhalintii ay saaxiibada ahaayeen, iyo xagay qabteen. Waxa maskaxdiis ka go’i wayday noloshii u ka yimid ee dharag oo seexo ahayd iyo maanta tu ku suganyahay. Ma haysto aabbo iyo hooyo dhooldhooliya oo ilawsiya dhibka xanuunka kulul iyo kaarka haya, ma haysto cid u arxanta oo u diir naxda. Wuxu noqday qof aan ka dhicin qof waalan. Isaga oo isla sheekeysanaya ayuu soo galay waddo baabuurtu ku socdaan xawaare sare , hoonkooda iyo guuxa midna ma maqlayo. Waayo waxa u ku dhex-jira badweyn quus iyo rajo beela. Waxa afkiisa ka soo baxay oo soo noqnoqonaysa ismaan lahay. Wax si kadis ugu soo booday baabuur dheereynay oo ku qaaday oo jiidhay. Ma dhiman nolol waalagu gaadhay nasiib daro wax u ku dhintay isbitaalkii. Waxaan hadalkiisu ugu dambaysay “ismaan lahayn……..”.

W/Q:Ibraahin Xaaji Cabdi Tallaabo guutaale_22@hotmail.com

cabdiraxman cabdilaahi muxumed[fantastic]

LEAVE A REPLY