Isku-Aadka Champions League-ga oo la shaaciyay & Ronaldo oo xiddiga Yurub noqday

0
1310

ISKU AADMonaco,(HargeisaPress) — Isku aadka tartanka horyaallada Qaaradda Yurub ee Champions League-ga ayaa goor dhow lasoo bandhigay, iyadoo laacibka dalka Spain una ciyaara kooxda Real Madrid, Cristiano Ronaldo loo magacaabay xiddiga sannadkan 2014 ee Qaaradda Yurub.

Sida kooxuhu ay sannadkan isugu aadeen ayaa u muuqdo mid ka adag sannadihii aynu ka soo gudubnay, iyadoo tani ay ka dhigayso sannadkii ugu adkaa ee soo mara tartankan oo ay sannadkan ku isaga horyimaadaan 32 kooxood oo ka socda dalalka Qaaradda Yurub.

Ciyaaryahan Cristian Ronaldo ayaa isagana la guddoonsiiyay isla caawa abaalmarinta ugu qaalisan Qaaradda Yurub ee dhinaca kubadda cagta, taasoo ka dhigtay inuu noqdo xiddiga Qaaradda Yurub ee sannadkan 2014-ka.

Cristiano Ronaldo's UEFA Best Player in Europe
Cristiano Ronaldo’s UEFA Best Player in Europe

“Runtii aad ayaan u faraxsanahay inaan sannadkan noqdo xiddiga Qaaradda Yurub. Waa in aan u mahad-celiyaa dhammaan saaxiibaday oo la’aantood aanan heerkan soo gaadhi lahayn. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa qoyskayga, kooxdeyda iyo qof walba oo codkiisa i siiyay,” ayuu yidhi Cristiano Ronaldo oo ka hadlayay dareenkiisa kaddib magacaabiddiisii xiddiga sannadkan ee Qaaradda Yurub.

Laacibkan ayaa xilli ciyaaraadkii hore kooxdiisa Real Madrid u qaaday koobka horyaallada Qaaradda Yurub, isagoo sannadkii lasoo dhaafayna helay abaal-marinta laacibka kubadda cagta ee Adduunka.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY