Isbedellada Nidaam ee la taaban karo ee ka hirgallay DDSI

0
1325

Isbedellada Nidaam ee la taaban karo ee ka hirgallay DDSI

Hargaysa-Hargeisapress, Galadaan sugayniyo waqtigaa ina soo galay saacaduhu iimay tirsanayn toban sanno maan arag kaynbay iska ahayd dawladnimadaa Maamul deegaanka soomaalida ee ethopia waxay iska ahayd mid daciif ah qalalaase badana waa ka taagnaa .

waan damqan jiray markaan arko nolol cadiban oo cidhiidhi badan keelaaga kaaraa mardha markaad soo dhaafto ayaad garanaysaa dhul soomaliyeed inaad soo gashay wadadaa jajaban

17 sanno ka bacdi maxaa isbedellay.

“words and actions mean to people around the world, and how they used them for guidance in building their own future”

Ummadkasta oo rabta inay gaarato Wanaag iyo horumarna waxaa lama huraan ah inay hesho Hogaan sax ah, oo leh tilmamihii hogaamiye-Nimo, ee Ummada u horseedi lahaa in uu si fudud u helo dhabooyin macquul ah oo soo afjari kara khilaafyada,musuqa,iyo maamul xumada noqotay dhaxalka.

Waxaa madaxweyne ka noqday 2006 madaxa ciidamada Dawlad deegaanka Mahamuud cumar cabdi oo ahaa nin dhalinyaro ah oo firfircoon meel musuq badan maamul xumo ka jirtay wadooyinka adeegyada aasaasiga ahna ka liidatay iyo khilaaf badanina taagnaa kooxaha rabshad wadayaashuna si badheedh ah dadka ku layn jireen dhalinyarta ganacsatadu rajo beel ahaayeen ayuu madaxweyne mahamuud cumar qabsaday waxaanu halkaa ka bilaabay halgan adag xaalad amni iyo mid dhaqaaleba leh.

Waxaa xusid mudan oo raad igu reebay xoogii dhalinyarta oo laga shaqaysiiyay ha noqdeen xilal wasiirnimo mid xafiisyo sare ama mid hawlgalba waxaad arkaysaa xafiisyada magaalada jigjiga oo dhalinyar wajigoodu dhalaalayo oo heegan ah suudhadh ku labis kuugu diyaar yihiin deegaankiina uu ka muuqdo waxqabadkoodu,xafiisyada waxaa iigu danbaysay iyadoo dad aan soomaali ahayni haystaan, waxaan maalintii caleemo saarka xafladda Madaxweyne muuse kula wareegay xilka isla goobtii Madaxtooyada somaliland arkay waftigii DDSI markay soo galayeen oo uu hogaaminayo nin dhalinyaro oo la iisheegay inuu yahay Wasiirka Ganacsiga Khadar iyo madaxweyne ku xigeenkii DDSI waana sababta DDSI isbedel uga dhacay waayo xooga hadii xiligeeda laga faaideeyo horumar ayaa lagaadhayaa

Waxqabadyada muuqda:

  1. Adeegyada asaasiga ah sida: caafimaadka,waxbarashada,horumarinta wadooyin,bilicda,balaadhinta biyaha ee deegaanada fogfog.
  2. Maamul wanaaga (good governance)
  3. Amniga dhamaan gobollada oo dhan(security)
  4. Shaqo abuurka (employment)

Anigoon dhamayn Karin waxqabadyada la taaban karo waxaan usoo qaadanayaan oo aan rabaa inaan ku xuso in dawladda cusub ee Madaxweyne muuse ka faaidaysato xooga dhalinyarta dhaqaajiso rabitaankooda dhisto aqoontooda.

 

 

inspring Video which makes me proud to such a kind a president

Hargaysa somaliland main office

Editor HPRESS:Ahmedyasin sh cumar

Ahyaseen216@gmail.com

LEAVE A REPLY