Isbeddelka Itoobiya, Saamayntiisa Iyo Majaraha Aqoonsiga

0
108

Isbeddelka Itoobiya ka socda waxuu si toosa xidhiidh ula leeyaha isbeddellka miisaanka quwadaha aduunka ee maanta sida xooggan uga socda caalamka oo idil. Isbeddelakan Itoobiya ka socda waxu si gaara salka ugu hayaa laba arrimood oo isbuuxinaya amase isdheelli-tiraya oo kala ah baahi isbeddel oo gudaha ah iyo mid ka soo jeeda saamaynta isbeddelka caalamka ka socda:

Baahida Isbeddel doonka guduha: Isbeddelkan Itoobiya ka socdaa waa mid ku yimi baahiyo fara badan oo isbiirsaday. Iyo tabashooyn qotodheer oo wagtigoodii wax laga qaban lahaa dhaafay, iyo Xisbiga xukunka hayaa oo ku guuldarraystay inuu hoggaamiyo dhacdooynka gudaha; Muddaharaadyo socday laba sano iyo shirar xisbiyeed ka garab socdey, iyo xisbiga EPRDF dhexdiisa oo muddadaas oo dhan ka shirayeyey, kana arrinsanayey meesha xaalku ka qalloocday iyo sidii loo daaweyn laha. Arrimahaana ku kala aragti duwnaaday is kuna khilaafay arrimaha salka u ah.

Xisbigu waxuu aakhirkii ku qancay in uu xisbi ahaan naftiisu isbeddel dhexdiisa ah u baahan yahay, Waxaana lagu wada qancay in haddaanu xisbigu asagu isbeddel isku samayn aanu wax beddeli ahba samayn karayn, hoggamina karayn dhacdooyinkan socda iyo guud ahaanba Geeddi Socodka  siyaasadda dalka.

Sidaas darted, ayaa sannadkan horraantiisa waxaa bislaaday midhihii doodaha xisbiga dhexdiisa ka socday, kuwaas oo ku soo dhammaaday in madaxdii xisbiga ee sare oo hore ugu guuldarraystay in ay isbeddel u horseedaan xisbiga iyo dalkaba la beddelo oo lagu beddelo rag cusub oo ka dhalin yar. Qaabkaas ayay ku dhacday in hoggaankii afarta urur ee uu ka koobanyahay xisbiga EPRDF isku mar la wada beddelo hoggaankii hore halkoodiina loo magacaabo dad dhalinyaro ah oo aqoonyahan ah oo lagu soo xulay firfircoonida siyaasadeed ee ay muujiyeen.

Dr. Abiy Ahmed, waxuu ahaa nin ila waqtigii Melles Zinawi isha lagu hayey oo la sugayey inta uu qaadanayo shahaadada PHD, taas oo uu qaatay 2016kii. Markaas ka dibna  uu si buuxda u mutaystay in loo doorto hoggaamiyaha Xisbiga iyo dawladdaba. Dhinaca kale, qiimayntii xisbigu isku sameeyeyey ee ka horreysey doorashada Dr. Abiy ayaa xisbigu ku gaadhay go’aamada isbeddelka Abiy Ahmed soo saaray ka dib markii loo doortay hoggaamiyaha xisbiga iyo dawladaba.

Go’aamada uu ku dhawaaqay ra’iisalwasaaruhu oo ah kuwo daboolaya baahiyaha isbeddelka gudaha iyo dibeddaba wxay abuureen murano faro badan, oo guud ahaan aan nuxurka khusayn ee ka dhashay qaabka isbeddelka loo fullin karayo. Isbeddelladan oo dhamaantood loo wada bogey. Hase ahaatee waxa, meesha ka soo ifbaxday in xaaladaha Siyaaddeed, kuwa amni iyo kuwa dhaqaaleba ay hadda dalka geliyeen xaalada isbeddel (State of transition) oo aan weli si buuxda u caga dhgan meeshii yoolku ahaa.

Arrimahan oo dhammaantood ku xidhan sida loo maarooyo geeddi-socodka isbeddelladan haatan socoda oo dhammaantood ku sii foole leh meeshii loo baahana in ay fadhiistaan, taas oo ay ka horrayso arrimo badan oo aan wax ka qabashadoodu sahlanayn.

Saamaynta debedda: Sababta labaad ee isbeddelka Itoobiya keentay waxay salka ku haysa falcelis ka turjumaya saamaynta isbeddellada laxaadka leh ee la soo dersey adduunweynaha, gaar ahaana Geeskan Africa oo si toosa utaabtay dareenka waddaninimo iyo wacyiga hoose ee soo jireenka ah ee siyaasiyiin Itoobiya, kuwaas oo aanay marnaba ka bixin xasuus-wadareedkooda sooyaalkii isqabadyada soo jireenka ahaa ee ka jiri jirey hareeraha Badda Cass, kuwaas oo midab kasta ha lahaadeene kicin jirey gulufyo colaadeed oo madaxda Itoobiya u arki jireen kuwo lagu duminayo xaddaarada faca weyn ee dalka Itoobia. Mar keliya ayuun bay la arkay oo lagu baraarugey ayadada xeebaha Badda Cas saldhigyo  millateri iyo xidhiidho dhaqaale ay la samaysteen dalal carbeed iyo Turkeya. Markaas ayaa Siyaasiyiinta Itoobiya waxay yaqiinsaday in isbeddelladan ka socdaa adduunka ay yihiin geeddi-socod taariikhi ah oo ay tahay in ay sida ugu mugga weyn uga faai’idaystaan oo ay la qaybsadaan oo u babac dhigaan dhibteeda iyo dheeftaba, haddii aanay sida yeelin ay khasbayso in ay iska daba socdaan dhacdooyinka oo aany saamayn ku yeelan  kari doonin.

Haddaad u fiirsato doodaha ka socda warfaafinta Itoobiya dadka khubarada siyasadda iyo ha’adaha cimi-baadhistu ka wadaan waxaad ku qancaysaa in xaalka isbddelku ku biyo shuban doono nabad iyo dimoqoraadiyad saldhigeedu yahay doorashooyn xor iyo xalaal ah. Lakiinse waxa aqooynyahanka Itoobiya iyo kuwa shisheeyuhuba qirayaan in isbeddelladan dartood aanay Itoobiya noqon doonin tii hore ee la yiqiinay isla markaana aanay ka takanaan doonin Itoobiyadii hore. Maxaa yeelay dimoqoraadiyada lafteeda ayaa loo arkaa mid beddeleysa wejigii soo jireenka aha ee Itoobiya lahaan jirtey dhawr kun oo sannadood oo ay ku sugnayd dimoqraadiyad la’aan iyo xukuno boqortooyo oo gaboobay. Fursadaha ay isbeddalkani u furi karo Itoobiya na  uu yahay mid u gudbin doona Cahdi cusub oo hor leh.

Samaynta isbeddellada dunida ka socda, iyo aqoonsiga Somaliland, qaabka loo raadinayo iyo meesha ay tahay in laga raadiyo. La soco.

adamjbril@hotmail.com

LEAVE A REPLY