Isbaheysiga Mucaaradka Kenya ee NASA oo sheegay in Raila Odinga ku guuleystay doorashada

0
1233

NAIROBI, (HargeisaPress) —Shir jaraa’id oo goor dhaw ay ku qabteen magaalada Nairobi ee dalka Kenya isbaheysiga NASA ayeey ku sheegeen in Raila Odinga ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee Talaadadii dalkaasi ka dhacday.

Musalia Mudavadi oo ah hogaamiyaha isbaheysiga ayaa sheegay in Raila Odinga sida uu hadalka u dhigay uu helay wax ka badan 8 milyan oo codad ah halka Uhuru ay sheegeen in uu helay 7 milyan codadkii la dhiibtay, sidaa daraadeed guddiga doorashada la gudboon tahay in ay ku dhawaaqaan Raila in uu dalka madaxweyne ka yahay.

Mar wax laga weydiiyay sida ay ku ogaadeen xogta ku saabsan in Raila doorashada ku guuleystay maadaama aan wali lagu dhawaaqin waxaa uu sheegay in warka arintan ku saabsan u soo gudbiyeen xubno ka tirsan guddiga doorashada IEBC laakiin ka cudurdaartay in magacooda la sheego.

Shirkan Jaraa’id oo noqonaya war cusub oo ka soo yeeray mucaaradka ayaan la ogeyn waxa uu dhaxal siin doono dalka Kenya haddii ay guddiga doorashada ku dhawaaqan in Uhuru yahay madaxweynaha dalka ee doorashada ku guuleystay maalinta berri ah.

Dhinaca kale marka aan eego korjoogtada caalamiga ah ee ku sugan dalka Kenya oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in doorashada dalkaasi ka dhacday aheyd mid hufan oo aan wax mugdi ah ku jirin, waxaana ay ugu baaqeen dhinacyada tartamay in xasiloonida la ilaaliyo.

Meelaha qaar Kenya durbaba waxaa laga soo sheegayaa rabasho ka dhashay natiijada doorashada oo lagu dhawaaqay sida magaalada Gaarisa oo gabi ahaanba dab la qabsiiyay suuqii ugu weynaa ee ‘Suuq Mugdi’’

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here