Indha yar duullaanku ah khayraadka dalka Qalinka:C/naasir Guray Meecaad.

0
906

Dalka Somaliland ayaa ah mid Qani ku ah khayraadka Dabiiciga ah,sida ay sheegaan Khubaro ku Xeel dheer Cilmiga Macdanaha waxaa Dalkan ku Duugan Noocyada ugu badan ee Macdanaha qaaliga oo ah kuwo Qiime sare ka goynaya Suuqyada Caalamka ee lagu kala iibsado oo haddii si Sharciya looga Ganacsado Dakhli badan soo galin lahayd Qasnada dawlada,waxaanay taasi keeni lahayd Shaqo abuur ay ardayda ka qalin jabisa Jaamacaduhu ka heli lahaayeen fursadaha macdan qodista.Dadka dalkan ayaa ah kuwo ka Fadhiid ah Aqoonta la xidhiidha Soo Saarista iyo Qodista Macdanaha iyada oo ay taasi jirto ayaa waxaa dalka ku soo badanaya Shirkadaha Shiinaha(Chine)oo noocyo kale Duwan leh qaar ayaa ku mashquulsan soo dajinta Baabuurta yar yar ee loo yaqaano Bajaajta halka kuwo kale ay samaysanyaan Cisbitaalo dawo dhaqameedka shiinuhu yahay habka ay dadka ku dawaynayaan,habkan oo ah mid waxa ugu badan ee la Adeegsanayaa uu yahay inay Irbado laydh ku talaalan dadka ku Turqaan iyo dhir qaar Ololaysa kuwo Cajiin ah oo Jidhka la marinayo iyo Habkii qadiimka ahaa ee Toobista oo ay Quruurado ay dab ku shideen kaga dhajiyaan hadba halka ay Toobayaan.aan u noqono Dulucda Maqaalkeenee Shaqooyinkaas aan ka soo Sheekaynay ayaa ah Qaar Raad gadasho ah oo aan ahayn shaqada Rasmiga ah ee ay hayaan, waxaan dhawaan kula kulanay xaafada jigjiga yar shirkad Magaceeda noogu sheegtay Bingo oo soo dajisa Baabuurta Bajaajta oo noocyo badan ah sida qaar la Raacayo kuwo Booyad la saarayo laguna dhaaminayo Xaafadaha kal gadisan ee magaalada Hargaysa,waxaana meeshaa yaala iyaga oo furfur ah waxaana laguugu xidh xidhayaa isla Goobta,waxaa Xaruntan ka Hawlgala laba Nin oo u dhashay dalka Shiinaha iyo saddex kale oo Reer Somaliland ah,C/shakuur waa Wakiilka Somaliland ee Shirkada bingo,waxaanu ahaa arday hore uga dhigan jiray Waxbarasho dalka Shiinaha si fiicana ugu hadli kara luuqada shiinaha,labada shiinaha ayay magacyadoodu kala yihiin Leno iyo Adams ka danbe ayaa ah Walaalka Xuseen Lino oo ah Daaci dadka ka Wacdiya Tilifishanka Peace Tv.hadaba iyada oo ay sidaas tahay Shirkadani waxay ku hawlan tahay gurashada Macdanta,sida nooga Muuqatay Qalabka Furfurka ah ee Shirkadu na tustay ayaa waxaa ku hoos jiray qalabka wax lagu Qodo oo ah kuwa loogu tallo galay inay si Casriya u Qodaan macdanaha kala duwan ee dalka xatooyadan ayaa ah mid ka hor imanaysa sharciga dalka,haddii aan hada wax laga qabana waxaa dhici doonta inay inagu noqdaan maafiyo caalamiya oo aan si fudud loo xakamayn Karin.waxaa kale oo isaguna jira nin area maansoor gala magaciisana ku sheega peter oo ku andacooda inuu sharci macdan baadhasho ah ka haysto wasaarada macdanta,ayaa mudooyinkii danbe bilaabay inuu dalka ku soo daabulo indha yar badan oo uu uga faa,iidaysto hawlaha uu ku mashquulsan yahay,wuxuu dadka dhagxanta sita ka siistaa qiimo aad u raqiisa,mararka qaar ayaa uu u baxaa gobalada kala duwan ee dalka isaga oo laaluusha reer miyiga kana codsada inay dhagxaan badan soo saaraan.waxa kale oo la sheegayaa inay jiraan shirkado kale dhinaca ambassador,waxase loo baahan yahay in baadhis lagu sameeyo waxay ku hawlan yihiin waxna laga qabto.

 

Qalinka:C/naasir Guray Meecaad.

LEAVE A REPLY