“In la igu abaal mariyo xildhibaanka ugu wanaagsan goleyaasha degaanka Somaliland waxay ii noqonaysaa”…xildhibaan Mubaarik Bidhi

0
1131

Hargaysa (Hargeisa Press): Ururka Somaliland national awards ayaa todobaadkan ayaa  abaalmarino ku maamuusay  45 qof oo ka mida qaybaha kala duwan ee bulshadda Somaliland.

Dadkaasi ay abaalmarinaha siiyeen ururka national awards ayay ku soo xuleen qiimayn ay sameeyeen kadib, kuwaasoo  ay ku  tilmaameen in ay yihiin kuwo ay u aqoonsadeen in ay dedaal badan muujiyeen sanadkii tegay ee 2018-ka.

Shaqsiyaadkii kala duwanaa ee abaalmarinaha lagu maamuusay waxaa ka mid ahaa xildhibaan Mubaarik Yuusud Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan golaha degaanka Burco, waxaana loo aqoonsaday in uu yahay xildhibaanka ugu hawl karsan goleyaasha degaanka dalkoo dhan.

Xildhibaan Bidhi,  oo ka hadlay sida uu u arko abaalmarinta la siiyay iyo sababta loogu aqoonsaday in xildhibaanka ugu waxqabadka iyo dedaalka badan goleyaasha degaanka dalka, waxa uu yidhi  “Waxaan ku faraxsanahay in la igu abaal mariyo xildhibaanka ugu wanaagsan xildhibaanada goleyaasha  deegaanka dalka Somaliland.

Waxaanay  ii noqonaysaa shiidaal aan ku dhaqaaqo si aan shacabkayga ugu adeego. Waxa  kaloon bogaadinayaa guulaystayaashii 45-kii qof  ahaa ee abaalmarinta la gudoonsiiyey dhamaantood.

Waxaan  si gaara u hambalyaynaya sadexda shiikhsi ee loo aqoonsaday  inay yihin halbeega Somaliland oo kala ah gudoomiyaha xisbiga UCID Eng.  Faysal Cali Waraabe iyo Drs.  Adan Adan iyo saxafi Maxamed Xasan Cali (Weji).

Waxaan hambalyeynayaa dhallinyarada Somaliland National Award’s Prize (SOLNAP) ee iskood isku xilqaamay garashada iyo garaadka wanaagsan ee gartay inay dhiirigaliyaan oo maamuusaan shaqsiyaadka u adeegaha qaran noqdey”.

Waxaanu intaas raaciyay “Runtii  ismaanan aqoon email bay igula soo xidhiidheen iyagoo iga dalbadey inan waxqabadkaygii u soo diro iyago og waxqabadkayga hadana anna waan u diray taas oo saldhig u noqotay inay maanta isiiyaan xildhibaanka ugu wanaagsan golayaasha deegaanka dalka Somaliland ,

Waa  astaan iyo halbeeg  aan kaga cabir qaadan karo in aan kordhiyo xawaaraha aan ku shaqaynayo hiigsiga iyo himilada aan leeyahay,  hillaadeyduna waa mid aan ka midho dhallin doono annigoo shaqsi ah iyo iminka oo aan xildhibaan ahaynba” ayuu yidhi xildhibaan Bidhi.

Xildhibaan Bidhi, ayaa sidoo kale u mahad naqay masuuliyiinta degmadda Burco iyo xildhibaanadda golaha degaanka Burco ee uu ka tirsan yahay. Waxaanu yidhi “Waxa kaloon u mahadnaqayaa maayarka degmadda Burco, maayar ku xigeenka degmada, xoghayaha dawladda hoose ee Burco iyo dhamaan xildhibaanada golaha degaanka degmada Burco ee aanu wadda shaqaynta joogtada ah leenahay.

Sidoo  kale waxaan u mahadcelinayaa shacabkii reer Burco ee idoortay in aan Xildhibaan noqdo iyo bahda saxaafadda Somaliland oo dhan ee qaranka u adeega”.

Ugu danbayn, xildhibaanku waxa uu carabka ku dhuftay in ay jiraan shaqsiyaad kaloo aa du badan oo mudan in la abaalmariyo.

“Waxaa jira dad badan oo mudan in la abaalmariyo oo kun jeer nagga wanaagsan insha ALLAAH iyagana jaaniskooda ayaan la dabaal degidoonaa. In aad noqoto shaqsi ku suntan u adeegida arrimaha bulshada ee dal iyo dad waa sumad iyo tusaale nool oo kugu dhiirigalinaya inaad halkaa ka sii waddo adeega bulsho ee aad hayso”ayuu yidhi xildhibaan Bidhi.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here