Imaaraadka Carabta Oo Si Kulul Uga Jawaabay Lacagtii Diyaaradu Siday Ee Muqdisho Lagu Qabtay

0
872
Wasiirul dawlaha arrimaha dibadda ee UAE Anwar Gargash

Dubai,(HargeisaPress) —Imaaraadka Carabta ayaa ka jawaabay eed ay dawladda Soomaaliya u jeedisay oo ahayd inay UAE Muqdisho gaysay diyaarad siday lacag aan la garanayn ujeedada ay u socotay taas oo lagu qabtay madaarka Muqdisho.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in ciidamada amnigu ee Soomaalidu ay qoryo ku qabteen dadkii diyaaradda saarnaa isla markaana ay kala wareegeen $9 milyan iyo 600 kun oo dollar, waxayna ku tilmaantay tallaabadaasi mid sharci-darro ah oo xadgudub ku ah shuruucda caalamka. Imaaraadka ayaa sheegay inay arrintaasi jebinaysay is-afgarad ay horey u gaareen Soomaaliya iyo Imaaraadka sannadkii 2014-ka. “Lacag loogu tallo galay in lagu taageero ciidamada Somaalida iyo tababarayaasha ayaa lagu qabsaday qori caaradii, waxaanay xumeeyeen xubno ka tirsan ciidamada UAE, diyaaradiian saacado ka dib ayay soo fasaxeen.” Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Wasiirul dawlaha arrimaha dibadda ee UAE Anwar Gargash oo u waramay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay inay dhacdadan kala xaajoonayaan dawladda Soomaaliya.  “Lacagtu waxay ahayd mushaharkii caadiga ahaa ee aanu siin jirnay ciidamo kala duwan oo ammaanka ah oo aanu balan qaadnay oo jooga Soomaaliya.” Ayuu yidhi, waxaau nasiib darro ku tilmaamay inay arkayaan in lacagtan la doonayo in lagu dhex tuuro siyaasadaha Soomaalida, wuxuuse sheegay in arrimuhu kala cadaan doonaan maalmaha soo socda.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here