Ilaa 90 qof oo dibaxbaxeyaal ah oo lagu dilay Dalka Itoobiya

0
920

Addis ababa, (HargeisaPress) — Ugu yaraan 90 qof ayaa toogasho ciidamada ammaanku ku dileen gobolada Oromiya iyo Amhara maalmihii lasoo dhaafay kadib dibadbaxyo rabshado wata oo meelahaa ka dhacay.

 

Muran kusaabsan lahaanshiyaha dhulal iyo deegaano ayaa sabab u ah dibadbaxyada iyo rabshadaha haatan dalkaa ka socda. Waxaa kasokow dadka la dilay xabsiyada la dhigay hoggaamiyeyaal badan oo mucaarad ah.

 

Magaalooyinka dadka lagu dilay ayaa waxaa kujira Ambo, Dembi Dolo iyo Nekemt. Tobanaan qof oo kale ayaa rabshadahaas ku dhaawacmay.

 

Saraakiisha dawlada ayaanan durba ka hadlin dilalka iyo rabshadaha guud ahaan. Si kastaba ha ahaatee, wakaalada wararka ee Itoobiya ee ENA ayaa sheegtay in dibadbaxyo sharci darro ah oo dad nabad diid ah dhigeen la xaddiday.

 

ENA ma sheegin khasaaruhu inta uu dhan yahay!

 

Gobolka Amhara, shacabka ayaa sheegay in biliisku rasaas ooda uga qaaday mudaaharaadeyaasha Isniintii shalay magaalada Bahir Dar.

“Askarta ayaa xabado noolnool ku furay dibadbaxeyaasha. Isbitaalada ayaa waxaa buuxdhaafshay meydadka iyo dadka dhaawacyadu soo gaareen”. Sidaa waxaa yidhi mid ka mid ah dadka magaaladaa daggan.

 

Hayada caalamiga ah ee xaquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa sheegtay in dilal sharci darro ah ay ka dhaceen Bahir Dar.

 

Amnesty International ayaa intaa ku dartay in halkaa lagu dilay in ka badan 30 qof maalin qura.

 

Amnesty International waxay sheegtay in ciidamada ammaanka ee Itoobiya ay isticmaaleen awood xad dhaaf ah intii ay isku dayayeen inay aamusiyaan codadka dibadbaxeyaasha.

 

Itoobiya ayaa horay ay uga dhaceen dilal noocaa ah oo boolisku dad dibadbaxeyaal ah ku laayay. Sanadkii 2005, booliska dalkaa ayaa dibadbaxeyaal tobanaan ah laayay.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here