ILA BEEGSO WAAYAHA : HEES UU SAMMEEYEY MUJAAHID CABDI MUXUMED YUUSUF (CABDI MADOOBE )

0
1050

Heestan waxa Sammeeyey Mujaahid Cabdi Muxumed Yuusuf (Cabdi Madoobe ) waana Hees ay wada jir ugu luuqaynayaan Wiil iyo Gabadh uu Jacayl dhex maray oo isku af gartay in ay Reer yagleelaan isla markaana ay Raas wada degaan, hasa yeeshee, waayaha Nolosha mid daraf ka soo is taagay. Heestiina waa tan:

 

  1. Wiil

Bilaneey Adduunyadu

Waa Buug Dabayl yaal

Hadba baal rogmanaya

Waxaan kaaga soo bixin

Baadidoon laguma helo

Baahidiyo dhereguna

Way baratamaayaan

Ninkii Maanta buuxaa

Baritana ka faro madhan

Aniguna ma Baahdaha

Baabocooyinkaygaan

Soo buuxi leeyahay

Kooras

Rabibaan baryaynaa

Isagaana bixin kara

Tan aad baafinaysee

Baayacaada iga daa

  1. Gabadh

Ereygaan bishii hore

Kugu idhi bildhaanoow

Hadaad bayr ka leedahay

Bal aan kuu tilmaamee

Hadaan boodhka loo galin

Birta ciida laga shubin

Bada lagama gooshee

Boyda samada duushana

Baylood ma kiciyeen

Badheedhaha ujeedada

Adigoon is baal marin

Waan kuu bayaanshee

Kooras

Bu’da Hadalku waxay tahay

Boqor in uu Arsaaq yahay

Cidi beenin maysee

Balse shaqa taguu yidhi

  1. Wiil

Bani aadamkoo idil

Ninka aan bar xoolaad

Bil dhaanteed lahayniyo

Bil yanaadku wiilkay

Bangiyada u yaalaan

Boqorka way u siman yihiin

Yaan bilista Xaawalay

Been kuugu sheekayn

Burburkeena ruux jecel

Bohol yaanu kuu qodin

Runta lagama baydhee

Caashaqa ha baabiin

Ila beegso waayuhu

Barta uu inagu furo

Kooras

Rabibaan baryaynaa

Isagaana bixin kara

Tan aad baafinaysee

Baayacaada iga daa

  1. Gabadh

Buur haysku qaadine

Badahaa adoon galin

Bahalaha gur guurtiyo

Bog intii ku socotiyo

Baabaca wixii dhiga

Baalalayda duushaa

Bidha waaga subaxii

Waxay baadi goobaan

In ay baahi reebaan

Ana boowe kuma odhan

Wax ka baydhsan Diintee

Ha iska boodine joog

Kooras

Bu’da Hadalku waxay tahay

Boqor in uu Arsaaq yahay

Cidi beenin maysee

Balse shaqa taguu yidhi

 

 

 

Mujaahid Cabdi Muxumed Yuusuf (Cabdi Madoobe )

Cabdimyusuf@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here