Iibka Xoolaha Sayladda Burco Oo Dhaqdhaqaaqa Weyn Laga Dareemayo

0
1453

Burco (Hargeisa Press.com): Dhaqdhaqaaqa Iibka xoolaha mooshinka xajka ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyay si weyn looga dareemayay sayladda xoolaha ee magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Waxaana xoolaha la keenay sayladda magaalada Burco ka iibsanayay shirkadaha xoolaha dhoofiya ee Deero Group iyo Al-Jaabiri, iyada oo ay jiraan shirkado kale oo xoolaha iibsanayay.

Sida ay sheegeen qaar ka mida dillaaliinta xoolaha iibiya ee   Sayladda Burco in ay ku jiraan lix gacmood oo xoolo iibsanayay waxaanay intaa raaciyeen in qiimaha xooluhu ay ku iibsamayaan in ay yihiin qiime aad u wanaagsan.

Iyadoo ka ugu sarreeyaa uu marayay qiimo dhan 80 Dollar, halka qiimaha labaadna uu ahaa 63, Dollar halka uu ka ugu hooseeyaana uu marayay 55 Dollar.

Geesta kale wakiilada labada Shirkadood ee AL-Jaabiri iyo Deero Group oo ka hadlay dhaqdhaqaaqa sayladda xoolaha Burco, ayaa sheegay in si wanaagsan xoolaha loo iibsanayo.

Waxaanu tilmaamay in mooshinka Xajka ay ku talo galeen in ay xoolo badan iibsadaan waxaanay caddeeyeen in xooluhu Berbera ay ka dhoofayaan, isla markaana ay ku dhofayaan sharciga Somaliland.

Sidoo kale xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho), oo ka hadlayay sayladda Burco oo shirkadda Al-Jaabiri xoolo ka iibsanaysay, ayaa sheegay in xooluhu markii hore ay xayirnaayeen, laakiin mooshinka xajka la ogolaaday in ay Somaliland ka dhoofaan.

Waxaanu yidhi“Markii hore xooluhu way inaga xayirnaayeen laakiin mooshinka xajka ayaa la inoo oglaaday imikana si wanaagsan ayay xooluhu u iibsamayaan oo ay u socdaan.

Si wanaagsan ayaanay xoolaha u iibsanayaan shirkaduhu oo waxaa imika Sayladda ku jira AL-jaabiri qiimaha xoolaha lagu iibsanayaana aad ayuu u wacan yahay.”

Dhinaca kale wakiillo u hadlay shirkadda Deero Group oo xoolo ka iibsanayay sayladda xoolaha ee magaalada Burco ayaa sheegay in qiimo wanaagsan ay xoolaha ku iibsanayaan isla markaana lacagta xooluhu ay tahay mid kaash ah oo isla markaaba la kala qaadanayo oo aan la kala amaahanayn.

“Maanta  sayladda xoolaha ee Burco waxaa ku jira gacmo badan oo xoolaha iibsada shirkadda aan wakiilka ka ahay ee Deero Group-na waxay iibsanaysaa xoolo badan.

Waxaanan dadka u sheegaynaa in ay xoolaha keenaan oo ay ka faa’iidaystaan inta uu socdo mooshinka Xajku, qiimo aad u wanaagsan ayaanu ku iibsamayaa xooluhu.

Waxaanu marayaa gacanta ugu sarraysa 80 Dollar halka qaybta labaadna qiimohoodu uu yahay 63 Dollar waxaana ugu hooseeya 55 Dollar” sidaasi waxaa yidhi mid ka mida wakiiladda shirkadda Deero Group.

Dillaaliinta xoolaha ka ganacsada ee Sayladda Burco xoolaha ku iibiya, ayaa sheegay in iibka xooluhu si wanaagsan uga bilaabmay sayladda xoolaga ee ugu wayn geeska Afrika ee Burco, isla markaana xoolaha lagu kala iibsanayaa ay ka dhoofayaan dekeda magaalada Berbera.

Waxaanay digniin u direen maamulka Farmaajo oo ay ku eedeeyeen in ay isku dayday in ay cunaqabatayso Somaliland xooleheeda.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY