“Iftiiminta Maqnaanshaha Dhabta Ah Ee Doorka Mucaaradka” Dr Maxamed-rashiid

0
1106

maxamed-rashiidSida aynu ka warqabno waxa aynu dooranay Madaxweyne iyo Kuxigeenkiisa, Baarlamaan iyo Golayaal Degaan oo dhammaan ka yimid rabitaankeena iyo codkeena. Sida ay tahay waa in aynu adeecnaa ixtiraamnaana madaxdeena. Waxa kale oo aynu dhisanay xisbiyo mucaarid oo aynu ugu guurnay nidaamka dimuqraadiyada. Haddaba, su’aasha meesha taala ee qof kasta oo muwaadin ahi ay tahay inuu ogaadaa waa “Waa Maxay doorka mucaaridku?”

Mucaarid sida dad badan ay dhadhansan karaan maaha in ‘laga hor yimaado wax kasta oo xukuumadu wado oo faa’iido iyo sharaf u keenaya dadka”, balse waa in xukuumadda lagu dhiirigeliyo wax kasta oo faa’iido u leh umadda iyada oo ay mucaaridkuna ku dhiirigelinayo waxqabadkeeda wanaagsan. Dhinaca kale, mucaaridku waxa uu dhinaca kale u taagan yahay toosinta iyo tusaalaynta xukuumadda.

Mucaarid iyo muxaafid waxa habboon in anyu niyadda galino in wadankan, dadkiisa iyo duunyadiisuba inaga dhaxayso oo ay tahay in la wada illaaliyo dhanna looga soo wada jeesto. Lana ogaado in xukuumadda la doortay ay masuul ka tahay, inta kalena ay garab taagan yihiin oo ay la galbinayaan si horumar iyo barwaaqo loogu horseedi lahaa dadkeena.

Illaalinta nabadgalyada iyo isku-duubnaanta ummadeenu waa arrin saaran masuul kasta – mucaarid iyo muxaafidba. Arrin haddii la isku qabto ma aha in wixii inaga dhaxeeyay meesha ka baxayaan ee waa in si fiican oo turxaan aan lahayn lagu galaa, iyada oo aan la aloosay wax kasta oo dhib dhex keenaya umadda reer Somaliland.

Talada Xisbiyada Mucaaridka Gaar Ahaan Waddani

Marka aynu ka hadlayno mucaaridad yaynaan u fahmin in wax kasta oo ay dawladdu wado laga hor imanayo. Sida aynu ka warqabno xukuumadda aynu dooranay ee uu madaxweynaha ka yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa ay horseeday horumar balaadhan oo aynu dhammaanteed ka markhaati kacayno. Taas oo hambalyo iyo boogaadin mudan in lagu salaamo.

Laakiin baryahan dambe waxa socday doodo kala duwan oo ku saabsan diiwaangelinta iyo arrimo kale oo la hal maala, kuwaas oo hadalo la iska waydaarsaday. Dad badan waxay ka dhiibteen doodo caafimaad qaba oo ay ku muujiyeen rayigooda (ha khaldanaado ama ha saxsanaadee). Laakiin, jawaabta xisbiga mucaaridka ee Waddani ka bixiyay arrimaha socda waxay noqatay arrin ka yaabisay dad badan oo reer Somaliland ah, loona dul qaadan karayn.

Waxa aan guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) aan kula talinayaa: “Cabdiraxmaan laba xil oo muhiim ah ayaad u haysaa dadka reer Somaliland. Hadalada ka soo baxaya xisbigaagu ma aha kuwo loo baahan yahay. Mana aha kuwa ku iibgeynaya. Haddii uu xisbigaagu uu sidan ku sii socdo, halkaas ayaa laga garan karaa nooca dawladda aad dhisi lahayd haddii aad ku guuleysato doorashada. Sidaa darteed, waxa aan kugula talinayaa, guddoomiye, arrintaa ka soo yeedhay xisbigaaga talaabo habboon ka qaad.”

Dhammaan dadka reer Somaliland waa in ay ogaadaan xaqiiqda ah in dalku inaga dhaxeeyo. Sidaa darteed waa in aynu ka fogaanaa tashwiishka iyo wax kasta oo kala-fogeyn iyo kala-qaybsanaan keenaya.

 

Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan

Wasiiru dawlaha Arrimaha Dibeda Somaliland

 

LEAVE A REPLY