Hubkii Yaalay Xerada UAE Ee Muqdisho Oo Suuqyada Xamar Lagu Xaraashayo

0
1221

Muqdisho(HargeisaPress/Reuters) —Hub yaalay xeerada ay dawladda Imaaraadka Carabtu ku tababari jirtay askarta dawladda Soomaaliya, ayaa lagu iibinayaa suuqyada magaalada Muqdisho, ka dib markii ay Imaaraadka Carabtu ka baxeen Soomaaliya islamarkaana ay dawladda Soomaaliya la wareegtay ciidamadii xeradaas ku jiray.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa xalay baahisay in hub tiradiisu tahay 600 oo qori oo laga bililiqaystay xeradaas oo isugu jira qoryaha darandooriga u dhaca lagu iibiyay suuqyada kala duwan ee Muqdisho.

Reuters, waxay sheegtay in dad dilaaliin ahi ay tuseen shan qori oo ay ka soo iibsadeen askartii xeradaas ku jirtay kuwaas oo ay ku qornaayeen SO XDS oo ah magac la soo gaabiyay oo muujinaysa in hubka ay lahaayeen ciidamada Soomaaliya. “Hubka waxa iska lahaa ciidanka Soomaaliya, waxaana lagala soo baxay xeradii ay UAE ciidanka ku tababari jirtay, waxaana qoryaha ku qoran SO XDS.” Ayuu wakaaladda Reuters u sheegay Mr. Jaamac Cali oo ka mid ah dilaaliinta hubka iibinaysay.

Wuxuu dilaalkani intaas raaciyay “Ilaa 600-700 oo qori ayaa laga soo bililiqaystay xerada UAE.”.

Isagoo ka hadlaya qiimaha qoryaha la kala siistay wuxuu sheegay in qoriga la kala siistay $ 700 oo dollar oo ah qiime aad uga hooseeya qiimihii uu qorigu ka marayay Muqdisho oo ahayd 1,350 dollar, waxaanay dilaaliintu qoryahaas cusub ee ay ku heleen qiimaha jaban ee 700 oo dollar ah ku sii iibiyeen 1000 dollar halkii qoriba, “Suuqa ugu wanaagsani waa marka ay ciidamada dawladu dhexdooda dagaalamaan.” Sidaasna waxa wakaaladda Reuters u sheegay Xasan Abuja oo isna ah dilaal, isagoo intaas raaciyay, “Qiimaha hubka iyo rasaasta ayaa meel wanaagsan gaadha.”

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa gebi ahaanba ka baxday Soomaaliya, ka dib markii ay dawladda Soomaaliya madaarka Muqdisho ku qabsatay lacag dhan 9.6 milyan dollar oo ay UAE sheegtay inay u waday ciidamadan ay tababarto iyo ciidamo Puntland ay iyagana ku tababarto.

LEAVE A REPLY