HORTA ANIGU YAAN KU XIGAY!: M-weyne ku-xigeen Cabdiraxmaan Saylici Ayaa Mar Laga Sheegay-W/Q: Mujaahid Cali Xaraaro

0
906

Waa Ilaahay mahadii haddii wasiir Abiib nooga markhaati furay maamul xumada iyo kacaanimada beeleysan ee taala qasriga madax tooyada, wuxuu yidhi haddii dabaakhiintu badato maraqa ayaa xumaada!.

Mujaahid-Cali-Xaraaromadax weyne ku xigeenka Somali land Cabdiraxman Saylici ayaa laga sheegay inuu yidhi, garan maayo cid aan ku xigo, waxa la yidhi markuu xafiis kiisa galay ayaa waxa u galay wasiir Xirsi, waraaqo ayuu dul saaray miiska arina wuu kala hadlay, markuu ka baxay waxa u weydaartey Baashe Cawil oo isna waraaqo ayuu miiska u saaray isla arrinkii Xirsi kala hadlay ayuu isna kala hadlay, markuu ka baxay waxa u yeedhay Axmed Siilaanyo oo waraaqo u dhiibey isla markaana wuxuu kala hadlay isla arrinkii ay Xirsi iyo Baashe kala hadleen, Mr. Saylici oo yaabsan ayaa haddana waxa u soo gashay marwo Aamina weris waxaanay ku tidhi, waraaqihii Baashe kuu keenay ha ilaabin!!!.

Akhriste,Wax badan oo kalena way soo baxayaan nin jecel iyo nin neceba kacaanki beeleysnaa wuu dhacay halkii u dambeysey ee isla haayeen sii iibiyana waxay ahayd dekeda berbera wayse ku fashilmeen hadaba warar laga heley cidaha ayaa sheegaya inay baxsanayaan in badan oo ka mid ahi hadaba waa garanaysaan inta malaayiinka doolar qaadatay waxaana loo baahan yahay in lala socdo kuwa caloosha laga qabsadyna waxaan leeyahay calooshiina ilaahay ku xidha Axmed siilaanyo iyo casaabadiisana waxaan mar walba u xusuusinayaa inay somali land ka dambayneyso

Wa bilaahi tawfiiq

Mujaahid Cali Cismaan (Cali Xaraaro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here