Hormuud-Ka Beel-Waynta Baha-Dhamal Oo Hadhimo Sharafeed U Sameeyay Murashaxa Xisbiga KULMIYE, isla markaana muujiyay cududa taageero Ee Ay U Hayaan Murashax Muuse Biixi .

0
1286

 

Hargaysa (hargeisapress )Homuudka Beelaha Baha-Dhamal oo isugu jiray Madax-dhaqameedka, Aqoonyahanka, Dhalinyarada, Waayeelka, Siyaasiiyiinta, Waxgaradka ayaa manta hadhimo-sharafeed u sameeyay Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Taas oo ay ku muujinayay taageerada ay u hayaan Xisbiga KULMIYE .

Waxaana Madashaasi ku sugnaa Saddexda Caaqil Ee Beesha hormuudka u ah oo kala ah, Cheif Caaqil Faysal Aaxmed Guun, Caaqil Maxamed Cabdilaahi, Chief Cabdrisaaq Maxamed Askar, Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Duulista Cumar C.laahi Aadan, Sidoo kale waxaa iyana ku sugnaa madasha Wasiirkii hore Ganacsiga Rashiid Xaaji C/laahi Guuleed, Taliyihii Hore ee Ciidanka Badda Somaliland Sareeye Guuto Axmed Aw Cismaan, Xog-hayaha Abaabulka Garabka Dhalinyarada Xisbiga KULMIYE Liibaan Ismaacil Buraale, Saraakiil sare oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE sida Siyaasi Axmed Muumin Seed, Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Siyaasi C.casiis Samaale  iyo haldoor kale .

Waxaa halkaasi ka hadlay Saddexda Caaqil Ee Beesha oo kala ah Cheif Caaqil Faysal Aaxmed Guun, Caaqil Maxamed Cabdilaahi, Chief Cabdrisaaq Maxamed Askar, Waxaanay dhamaantood ballan-qaadeen in ay cududooda taageero diyaar ula yihiin Murashax Muuse Bixii Cabdi .

Xildhibaan Siciid Maxamed Libaax oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa isna cod-dheer ku sheegay in ay codkooda diyaar ula yihiin Murashax Muuse Biixi .

Gudoomiyaha Dallada Horseed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanahay in Beeshiisi ay la qaadatay go’aan uu hore u gaadhay isagoo kali ah, maantana isaga iyo Beeshiisunba ay xisbiga KULMIYE ka wada tirsanyihiin .

Waxaa halkaasi khudbad dheeer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Rashiid Xaaji C.laahi oo xilal ka qabtay dawladihii kala dambeeyay marka laga reebo tan KULMIYE, Waxaanu uu Murashax Muuse u jeediyay talooyin dhaxal-gal ah, isagoo sidoo kalena u hogo-tusaaleeyay sidii wax uga qaban-lahaa baahiyo kala gaddisan oo dalka ka jira haddii uu ku guulaysto Talada dalka .

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Xog-hayaha Abaabulka Ee Garabka Dhalinyarada Xisbiga KULMIYE Liibaan Ismaaciil Buraale, waxaanu sheegay in Bulshada ku dhaqan deegaannada ay degaan beeshani ay codkooda diyaar ula yihiin Murashax Muuse Biixi Cabdi .

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Duulista Mudane Cumar C.laahi Aadan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Beesha uu soo jeedo maanta tahay Xisbiga KULMIYE, Isla markaana cududooda taageero la barbar taagantahay Murashaxa Muuse Biixi .

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo halkaasi ka hadlay ayaa Beesha Ciidagale ugu baaqay in ay codkooda siiyaan Murashaxa ay abtiga u yihiin Ee Muuse Biixi .

Ugu dambayn waxaa xafladaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee KULMIYE Muj Muuse Biixi Cabdi, waxaanu Beesha uga mahad-naqay casuumadda ay u fidiyeen, Cududda ay u muujiyeen iyo codka ay u ballan-qaadeen, waxaanu ku tilmaamay in ay tahay wax aad u qiimo-badan, aad-na uu ugu faraxsanyahay .

Murashaxa Muuse Biixi ayaa amaan-badan u jeediyay beesha Ciidagale, waxaanu ballan-qaaday in uu dadka simi-doono oo uu cadaaladda ku dadaali doono, haddii uu talada dalka ku guulaysto .

hargeisapress head office

LEAVE A REPLY