Hoos U Dhac Ku Yimid Sumcadii Somaliland Ku Lahayd Fagaarayaasha Dunida Iyo Dib U Dhaca Doorashooyinka Oo Noqday Halqabsiga Cusub Ee Beesha Caalamka

0
336
Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo

Hargeysa, (HargeisaPress) — Hoos u dhac diblomaasiyadeed oo aad u weyn ayaa ka muuqda heerkii ay Somaliland ka taagnayd fagarayaasha caalamiga ah ee lagaga hadlo xaaladda gobalka Geeska Afrika, iyadoo Somaliland ahayd meel loogu soo hal qabsado marka laga hadlayo dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka.

Inkastoo aanay Jamhuuriyadda Somaliland helin aqoonsi caalami ah, haddana marka la soo hadal qaado xaaladda gobalka Geeska Afrika, waxa ay Somaliland ahayd meel ka calaamadsan gobalka intiisa kale oo loogu soo hal qabsado xasilooniga siyaasiga ah, amniga iyo ta ugu weyn oo ah doorashooyin iyo dimuqraadiyad u muuqata inay hano qaadayso, waxaana kulamada iyo shirarka caalamiga ah cid kasta oo shisheeye ah oo ka hadashaa Somaliland ku amaani jirtay doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah ee is daba jooga ah ee sida nabadgelyada ah uga qabsoomay.

Hase yeeshee, wixii ka dambeeyay sannadkii 2015 oo ay dib u dhacday doorashadii Madaxtooyada ee qorshaysnayd inay qabsoonto islamarkaana muddo kordhintii u horaysay loo sameeyay Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa iyo golaha wakiilada oo iyagana loo sameeyay muddo kordhin cimriga ay maanta kursiga ku fadhiyaan ka dhigaysa 11 jir, waxa muuqata in sumcadii ay Somaliland dunida ku lahayd uu hoos u dhac ku yimid.

Qaramada Midoobay

Warbixinaha uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u gudbiyo golaha ammaanka ee ku saabsan Somaliland iyo Somaliya, waxa ay  caan ku ahaayeen in Somaliland lagu ammaano geedi socodka dimuqraadiyadda. Inkastoo ay xoghayayaasha Qaramada Midoobay caan ku ahaayeen inay isku daraan warbixinaha ay ka diyaariyaan Somaliland iyo Somaliya, haddana marka laga hadlayo doorashooyinka iyo dimuqradiyadda waxa Somaliland looga hadli jiray si gaar ah, iyadoo shacabka iyo dawladda lagu ammaani jiray doorashooyinka.

Balse sannadahan u dambeeyay waxa soo baxday in Somaliland loogu baaqo inay doorashooyinka qabato oo ay joojiso muddo kordhinta iyo dib u dhacyada. Tusaale ahaan warbixintii u dambaysay ee uu horaantii bishan May xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Dr. António Guterres u gudbiyay golaha ammaanka, wuxuu ku sheegay walaaca uu ka qabo burbur ku yimaada geedi socodka dimuqradiyadda Somaliland, waxaanu yidhi “Waxaan aad uga walaacsanahay dib-u-dhaca soo noqnoqday ee ku yimid doorashada madaxweynaha iyo baarlamanka Somaliland. Arrintaas oo si tartiib-tartiib ah u burburinaysa ballantii iyo aaminaddii marka hore soo xoogaysanaysay ee lagu qabay geeddi-socodkeeda dimuqraadiyadda Somaliland. Waxa aan maamulka Somaliland ugu baaqayaa, in ay dib u eegis ku sameeyaan wareegga doorashada oo ay u dejiyaan jadwal ku yimid wada tashi loo dhan yahay”

Midowga Yurub

Midowga Yurub oo ay ku bahoobeen dalalka ugu badan ee taageera dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland ayaa iyaguna u muuqda in niyad jab ay ka qaadeen dib u dhaca ku yimid doorashooyinka. Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Danjire Veronique Lorenzo, oo dhawaan u warantay majalada The East African ee ka soo baxda magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, waxay cadaysay sida ay uga xunyihiin talaabooyinka dib loogu dhigayo doroashooyoinka, “Waxa se aanu aad uga xunahay go’aanka ay xukuumaddu ku qaadatay in ay dib u dhigto doorashooyinka oo dib loogu riixay bisha Oktoobar.” ayay tidhi.

Ergagii ka horeeyay haweenaydan oo ahaa danjire Michelle Cervone d’Urso oo bishii September ee kal hore u waramay Geeska Afrika, ayaa isagoo ka hadlaya aragtidiisa dib u dhaca doorashooyinka, wuxuu yidhi  “Niyad wanaag ayaanu ku taageeri jirnay doorashooyinka si weynna ugu maalgelin jirnay, waxa aynu u soo dhabar adaygnay baarlaman aan la soo dooran muddo toban sano ah. Tani waxa ay hagardaamo ku noqonaysaa geeddi socodkii dimuqraadiyadaynta ee aanu soo habaynay tan iyo maalintii ay dhalatay. Waxaa la joogaa waqtigii aynu dadka siin lahayn fursad ay ku codeeyaan doorashada waqtigii loo qoondeeyey.”

Ingiriiska

Dawladad Ingiriiska oo ah saaxiib ay Somaliland leedahay kana dhaxeeyo xidhiidh taariikhi ah ayaa iyana u muuqata inay ka niyad jabsatnahay isbedelka ku yimid doorashooyinkii Somaliland. Safiir ku xigeenka Ingiriiska ee Somaliland iyo Somaliya danjire Andrew Allen, oo dhawaan saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa wuxuu reer Somaliland ku dhiirigeliyay inay sii ambo qaadaan nidaamka dimuqraadiyadeed oo ay Somaliland ku heshay sumcad, waxaanu sheegay inay adduunyadu si weyn uga xumaaday talaabadii uu Madaxweyne Siilaanyo dib ugu dhigay doorashada golaha wakiilada. “Nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland waa iftiin gobalka ku yaala.” ayuu yidhi safiirka oo intaas raaciyay natiijada ka dhalan karta doorashada madaxtooyada oo dib u dhacda “Waxaa jira dareen laga qabo in haddi doorashada madaxweynuhu ay dib u dhacdo ay ka dhalan doonto su”aal weyn oo la iska weydiiyo sida loo khasaariyay dedaalkii la soo galay.” ayuu yidhi safiirku.

Saaxiibada Somaliland

Dalalka ku bahoobay wadamada taageera dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland oo kala ururada iyo dawlada ay ka mid yihiin Denmark, Finland, France, Germany, Ireland, Netherlands, Norway, Sweden, United Kingdom, United States of America iyo Midowga Yurub, ayaa sannadkan 2017 gudihiisa waxa ay soo saareen laba war-murtiyeed oo ay kaga hadleen wejiga cusub ee Somaliland, waxaanay yidhaahdeen “Iyada oo ka go’nanashaha bulshada caalamka inay taageeraan horumar togan oo ay sameeyaan dadka reer Somaliland ay tahay weli mid aan waxba iska bedelin, hadana dhaawaqan u danbeeyey ee doorashooyinka dib loogu sii dhigayo waxaay ku qasbaysaa bulshada caalamka inay eegaan saamaynta ay ku yeelan doonto xidhiidhka iyo wada shaqaynta aanu la leenahay dawladda Somaliland. Bulshada caalamku waxaay siiyeen taageero baaxad leh geedi socodka doorashooyinka iyada oo lagu saleeyey in Somaliland ay ka go’naato inay ku qabato xiligeeda doorashooyinka

madaxwaynemimo, baarlamaan iyo gole deegaan. Lacagtii aanu ku maalgelinay ee laga soo ururiyay cashuur bixiyayaashayada ayaa hada khatar wayn qarka ugu saaran inay lunto (khasaarowdo). Bulshada caalamku ma bixin doonaan wixii kharash dheeraad ah ee ay keenti doonto dib u dhigista doorashadu.”

Iyagoo dalalkani ka hadlaya sumcadii ay Somaliland dunida ku lahayd iyo halista ay ku jirto waxay yidhaahdeen “Sumcaddii iyo aaminaadii lagu qabay Somaliland wuxuu go’aankani u gaystay nabar kale oo wayn. Somaliland waxaay khatar ugu jirtaa inay lumiso dareenkii u soo jeeday ee caalamiga ahaa ee ay ka heshay bulshada caalamka ee sida ka go’naanshaha ah isku garab taagtay sababta oo ah jiritaanka dimoqraadiyad soo koraysa. “

Gunaanad

Waxa cadaan ah inuu hoos u dhicii u weynaa ku yimid xidhiidhka Somaliland iyo beesha caalamka kaas oo saamayn toos ah ku yeeshay meeqaamkii ay Somaliland ku lahayd dunida oo isna si weyn u weydoobay. Waxaanay Somaliland isbedeladan ku weyday dhaqaale iyo sucmad, iyadoo ay dawladaha reer Yurub qaarkood 50% dhimeen dhaqaalihii ay gelin jireen sanduuqa horumarka Somaliland ee SDF oo ah sanduuq ay sababtay ka dib markii ay doorashadii 2010 ku dhacday si nabadgelyo ah islamarkaana Somaliland looga dhiirigelin, maadaama oo uu madaxweyne talada hayaa kursigii ku wareejiyay hoggaamiye mucaarad ahaa oo kaga guulaystay kalsoonidii shacabka.

Sida oo kale dib u dhacyada doorashooyinku waa sababta keentay in dalalkii Somaliland oo dal faqiira ah ka bixin jiray inta ugu badan ee kharashka doorashadu, ay maanta faraha kala baxaan, taas oo soo kordhisay culays dhaqaale oo muuqda, maadaama oo duruufaha dhaqaale ee Somaliland ka jira iyo si gaar ah xayiraadda xoolaha la saaray ay hoos u dhigeen awooddii dhaqaale ee dalka.

Dhaawaca ka dhashay guuldarrada xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ee tahli weyday in ay doorashooyinka xilligeeda qabataa waxa ay meesha ka saartay rajadii horumarinta dimuqraadiyadda ee beesha caalamku ka qabtay madaxweyne Siilaanyo oo xilligii uu kursiga ku soo socday si joogto ah u ballan qaadi jiray in aanu muddo kordhin samaysan doonin, balse markii kursiga uu yimid ay dhacday.

Geeska 

LEAVE A REPLY