Hoggaanka KULMIYE iyo Madaxtooyada Somaliland oo Kulan Dardargelin ah la Qaatay Cududda Haweenka Xisbiga, Beeniyeyna in Khilaaf ka Dhex Jiro Xisbiga + SAWIRRO

0
2548

Hargeysa,(HargeisaPress) —Hoggaanka xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE oo ay wehelinayeen wasiirro xukuumadda ka tirsan, xildhibaanno, masuuliyiin kale iyo madax-dhaqameed, ayaa kulan lagu dardargelinayey hawlaha xisbiga la wadaagay cuddada haween-waynaha KULMIYE.

Hadhimo-sharafeed qado ah oo uu abaabulkeeda lahaa Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka dhacday hoolka shirarka ee Green Plaze maanta, kana qaybgalayeen madaxda u sarraysa xisbiga oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ku-xigeennadiisa, wasiirro badan oo ka tirsan xukuumadda oo uu hormood u ahaa Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi iyo garabka haweenka xisbiga, waxa madaxdu meesha ka saareen warar maalmihii u dambeeyey warbaahinta qaarkeed baahinaysay oo sheegayey inuu jiro khilaaf iyo loollan ku saabsan guddoomiyenimada xisbiga ee mustaqbalka, waxaana madaxdii halkaas ka hadashay cod dheer ku sheegeen inaanu jirin wax khilaaf ah oo hoggaaminta xisbiga ka taagani, waxa kaloo halkaas si weyn loogaga mahadnaqay doorka laxaadka leh ee ay haweenku ku leeyihiin guulihiii xisbiga iyo kuwa mustaqbalka dhaw la rajaynayoba, iyadoo sidoo kalena lagu bogaadiyey doorka muuqda ee uu Wasiirka Madaxtooyadu kaga jiro abaabulka iyo u diyaargarowga xisbigu ugu jiro doorashooyinka soo socda si uu u sii hayo talada dalka ee muddadii uu hore u xukumayey waxqabadka baaxadda leh ka hirgeliyey.

Ugu horrayn, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), ayaa ka hadlay hawlaha dardargelinta xisbiga KULMIYE iyo siday u socoto, isla markaana waxa uu digniin adag u diray xisbiga WADDANI kadib markii uu diidmo ka muujiyey guddiga mus-dambeedka loo samaynayo inay la shaqeeyaan Guddida Doorashooyinka Qaranka, “Waan ku hambalyeynayaa Wasiirka Madaxtooyada inuu hawshii xisbiga u soo kabaal qaatay, wasiirrada kalena waxaan leeyahay waa la idiinka fadhiyaa doorkaas Maxamuud Xaashi, waqtiga aynu gallayna waa waqtigii ololuhu bilaabmayey oo fadhi inooma yaallo, waxaana la doonayaa inuu wasiir waliba kaalinta kaga aaddan ka qaato,” ayuu yidhi Jaamac Shabeel.

Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe oo ka tirsan mudaneyaasha KULMIYE ugu jira Golaha Wakiillada, ayaa sharraxaad dheer ka bixiyey asbaabta keentay inuu taageero Guddoomiye Muuse Biixi isaga oo carrabka ku ballaadhiyey waxyaabo muhiim ah oo uu Guddoomiyaha KULMIYE kaga duwan yahay dhiggiisa kale, waxaannu yidhi, “Wanaagga iyo tayada dadka uu xisbiga KULMIYE leeyahay ayaan mar walba xisbiga uga tegi waayey, aniguna waxaan is barbar-dhigay Guddoomiyahayga Wakiillada iyo Muuse Biixi, waxaanan idhi keebaad raacdaa oo aad taageertaa, waxaanay ila noqotay inaan Muuse Biixi taageero, waayo Muuse isaga oo 30-jir oo madax ahaa oo Maraykan waxbarasho uga yimi ninka intuu madaxtinimadiisii ka tegay Somaliland halkaas u galay iyo ninka saacadihii ugu dambeeyey liinta ku cabbaayey Moscow Wallaahi isku mid maaha.”

Sidoo kale, wasiirro, xildhibaanno, madax iyo siyaasiyiin kale oo KULMIYE ah iyo salaadiin uu ka mid yahay Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir, ayaa hambalyeeyey doorka haweenka ee KULMIYE oo ay sheegeen inay mar walba baal dahab ah kaga xusan yihiin guulaha xisbigu gaadho, isla markaana waxay xuseen inay iyaguna si buuxda u taageersan yihiin Murrashax Muuse Biixi.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, ayaa mahadnaq ballaadhan u jeediyey haween weynaha KULMIYE oo uu sheegay inay laf-dhabar u yihiin guulaha xisbiga KULMIYE, waxana uu si cad u tilmaamay inay ka midaysan yihiin dhisidda Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, “Haddii aniga, Muuse Biixi iyo Axmed Kijaandhe aannu tartamaynay maantana waanu is dhisaynaa, tartanka KULMIYE dhexyaallayna marnaba mid colaadeed muu ahayne mid uu qof waliba dareenkiisa iyo waxa uu doonayey muujinayey ayuu ahaa, anigana waxa si khaas ah farxad iigu ah inaan walaalkay Muuse Biixi Cabdi dhisayo, Muuse-na waxaan leeyahay haddii shalay aynu si adag xisbiga gudihiisa isugu haynay waxaad ku bushaaraysataa annaga oo ku garab-taagan oo ku dhisayna oo hiil iyo hooba kula garab taagan,” ayuu yidhi Md. Samaale.

Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa isaguna mahadnaqa haweenka iyo ku guubaabinta dardargelinta hawlaha xisbiga kusoo foolka leh kadib waxa uu deedafeeyey wararka sheegaya inuu jiro khilaaf hoggaaminta xisbiga la xidhiidha, waxaanu yidhi, “KULMIYE waa xisbi khilaafkiisii dhammeeyey, meelahaasna waxaanu ka maqlaynaa jabaq ah khilaaf iyo dagaal baa KULMIYE ka dhex socda, waxa la isku hayaa guddoomiyihii xisbiga oo waxa isku haya Maxamuud Xaashi iyo Maxamed Kaahin iyo rag kale, laakiin waxaannu caddaynaynaa oo far waaweyn ku dhigaynaa maanta KULMIYE hal loollan buu ku jiraa, loollan labaadna kuma jiro, KULMIYE waxa uu ku jiraa sidii uu talada dalka mar labaad ku heli lahaa, waxaana aynu dhammaanteen dhisaynaa Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici, mana jiro loollan labaad oo dhexdeena ahi.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu wasiirku caddeeyey inay saaxiibtinimo iyo odaytinimo weyn u dhaxayso isaga iyo Maxamed Kaahin, isla markaana ay labadooduba ku midaysan yihiin sidii murrashax Muuse Biixi Cabdi uu hoggaaminta dalka ula wareegi lahaa, isaga oo farriin cadna u diray taageerayaasha KULMIYE, “Aniga iyo Maxamed Kaahin waxaanu nahay laba nin oo saaxiib ah, isagu waa Guddoomiye-ku-xigeenkii KULMIYE aniguna Wasiirkii Madaxtooyadaan ahay, labadayaduna waxaanu fadhinaa kaalin adag oo culus oo la yidhaahdo biyo-culusta, waxaanuna nahay kuwa Muuse haddii uu dhismo taariikhdooda ay saamaynta weyn ku leedahay, rag ceel wadaan ka wada dawlinayaana oo wadaan wada jiidayaa haddii aanay si fiican jiibta iyo jaanta isula helin oo midba ka kale qardabo ma wada guulaystaan, aniga iyo Maxamed Kaahin-na raggaas wadaanta wada jiidaya ayaanu nahay, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE-na maanta tartan kama jiro oo waaka halkan fadhiya oo waa Muuse Biixi Cabdi, waxaanan leeyahay waxa dacaayadahaas iyo maaweelooyinkaas wada dad xisbiga KULMIYE doonaya inay cudur dhex geliyaane reer KULMIYE waxan leeyahay dacaayadahaas iyo cudurkaas iska ilaaliya” ayuu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isaguna xusay inaannu wax khilaaf ah oo u dhexeeya hoggaanka xisbiga, isla markaana isaga iyo Wasiirka Madaxtooyadu ku midaysan yihiin ka midho dhalinta hanka Guddoomiye Muuse Biixi ku doonayo inuu qaranka hoggaamiyo, “Aniga iyo Maxamuuud Xaashi si fiican baanu u wadashaqaynaa, isaguna waa wasiirkayga biyo-culusta fadhiya aniguna odaygiisa xisbiga jooga baan ahay, arrinkanna waanu ka wadahadalnaa,” ayuu yidhi.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha xisbiga KULMIIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo isagu soo afmeeray khudbadaha madashaasi, ayaa bogaadiyey doorka haweenku kaga jiraan xisbiga, isla markaana waxa uu sheegay inay xisbi ahaan ku qanacsan yihiin natiijada ka soo baxday diiwaangelintii cod-bixiyayaasha ee Komishanka Doorashooyinku soo saareen, isla markaana ay rajo fiican ka qabaan inay darafyada waddanka ka keenaan codad, “Xisbiga KULMIYE waxa uu ku qanacsan yahay oo uu soo dhaweynayaa natiijadii uu soo saaray Guddida Doorashooyinka, intii is-diiwaangelisay iyo intii ka shaqaysayna waanu hambalyeynaynaa, xisbi ahaan waanu ku qanacsanahay diiwaangelinta, doorashada KULMIYE-na waxa aannu guusha ka doonaynaa lixda gobol oo dhan, haddana gobollada Sool iyo Awdal buu KULMIYE ku qaadayaa koobka oo xooggayaga, mucdayada iyo dadka na taageeraaba joogaan, taasna waanu ka hawlgelaynaa,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here