Hoggaamiyaha WADDANI Oo Sheegay In Aanay Qaaddicin Doorashada, Ka Dib Hadalkii Cirro Ee Maanta

0
1672

Hargeysa, (HargeisaPress) — Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Goor dhawayd oo Caawa ah uu Telefiishanka Star waydiiyey inay qaaddacayaan Natiijada Doorashada Madaxtooyada ee aan weli lagu dhawaaqin, ayaa sheegay in wax la Qaaddaco aanay jirin wakhtigan, maaddaama oo aan weli lagu dhawaaqin Natiijada Doorashadii Dalka ka dhacday 13-kii Bishan November, 2017-ka.

Xirsi oo daba-socday Hadal uu isla Caawa sheegay Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro oo ahaa in aanay aqbalayn waxa uu ku sheegay ‘Xaq-darro iyo Wax Sharciga baal-marsan’, ayaa sheegay in Musharruxu ka hadlay oo keliya khaladaad uu Xisbigu ka tabanayo nidaamkii Doorashadu u dhacday, laakiin Xisbi ahaan Doorashada u galeen inay Guulaystaan iyo in laga guuleystaba.

Halkan Hoose Ka Daawo Warkaasi oo Muuqaal ah

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here