Hoggaamiyaha Siyaasadda Xamaas oo ka Hadlay Xal u Helidda Marinka Gaza

0
1153

Khaled MishelGAZA, (HargeisaPress) —Kaddib muddo bil ah oo u socday dagaal u dhaxeeyay dhinacyada Israel iyo Falastin ayaa iminka waxaa socda dadaallo ay Qaramada Midoobay gar-wadeen ka tahay oo la xiriira sidii dhinacyada iska soo horjeeda la isugu soo dhaweyn lahaa.

Waxaa dagaalladaas ku geeriyooday tiro dhan 2,000 oo ruux oo caruur iyo dumar u badnaa ,iyada oo  ilaa iyo hadda la dabiibayo 10,000 oo ruux oo kale oo isla Falastiiniyiin ah  ,kuwaasi oo ku waxyeeloobay duqaymahii Israel.

Khaled Mishel oo kamid ah hogaanka ururka Hamas ayaa ka hadlay suurta-galnimada xal ka hirgala gobolka ,waxaana uu sheegay in Isreal ay doonaysay aargoosi ,taasi oo u xusay in ay u socon weyday  ka dib waraysi dheer oo arintan lagala yeeshay.

“Shacabkeena waxa ay dalbanayaan wada-hadallo dhab oo damaanad qaadi kara dalabyadeena ,waxaan kaloo doonaynaa in nalaga dul-qaado cuna-qabtaynta mudada dheer soo socotay “ayuu yidhi Khaalid Mishcal oo ka hadlayay dadaallada socda.

“Dagaalkii dhacay ma ahayn mid innaga aan doorannay ,iyaga ayaa nagu qasbay ,waxaana ay ahayd gar-daro muuqata in ay daan-daansi nagu sameeyaan “ayuu  mar kale yidhi Misheel oo xusay in ay soo dhaweynayaan nabad ka dhalata gobolka oo dhan.

“Waxay arintan sababtay waxi ka dhacay Gaza laba bilood ka hor ,waxaa la beegsaday wax kasta oon lahayn sida dad aan waxba galabsan iyo waliba dhismayaashii ,waana difaacnnay nafteena “ayuu hadalkiisa ku daray Mishel.

Ugu danbayn, Israel waxaa kaga dhintay dagaaladii Gaza 3,000 oo ruux oo  64 kamid ah ay yihiin askar sida lagu daabacay Al-jazeera,waxaana dadaalada xal loogu raadinayo Gaza ka qayb-qaadanaya dowladda Masar.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here