Hoggaaminta Madax-weynaha! Qallinkii: Maxamed Faarax Qoti

0
1463

Guushiisu waxay ku timid codka taageerayaasha xisbiga iyo taxanihii qorsheysnaa ee dhacdooyinka mustaqbalka uu u soo  bandhigay umadda, kaasoo ka turjumayey baahidii wakhtigaasi taalay dalka, haddii ay noqon lahayd, mid wax-barasho, caafimaad, cadaaladdeed, war-baahineed, difaaceed,  horumarinta khayraadka dabiicga ah, dhirta, daaqa, xoolaha, kaluumaysiga, la dagaalanka musuq-maasuqa, saboolnimada, shaqo la’aanta, aqoon darada iyo dhameystirka geedi socodka dimuquraadiyada.

Barnaamajkaas oo ku yimid qiimeyn iyo dabagal dheer oo qaatay wakhti badan, waxaana hiigsiga himmilada xisbiga Midnimada iyo Horumarka xisbiga KULMIYE ee taladda haya aassaass u ahayd mabaadiida dhaabayaasha dimuquraadiyada iyo dastuurka qaranka.

Haddaba, waxa aynu qormadeenan ku qiimeyn doonaa maxaa ka hir-galay barnaamajkii siyaasadeed ee xisbiga KULMIYEi, maxaase aan ka hir-galin,?

Jaantuus 1-aad:  Qiimeynta barnaamajka siyaadeed ee xisbiga KULMIYE

Waa mid waajib ku ah qofkasta oo muwaadina, isla-markaana codkiisa taageero ku siiyey xisbigaas in uu la xisaabtamo wixii uu ka fuliyey balan-qaadkii, wixii aanu ka fulinin iyo sababta loo fulin waayey, waxa kale, oo waajib ku ah in uu iska hubiyo xisbiga uu codkiisa siinayo barnaamajkiisa siyaasadeed ee uu doonayo in uu ku hanto hoggaaminta talada dalka, isla-markaana, uu la xisaabtami karayo xisbigii uu taageeradda  siiyey.

Jaantuus 2-aad:  Qiimeynta Barnaamajka siyaadeed ee Xisbiga KULMIYE

Barnaamajkan siyaasadeed ee Xisbiga Midnimada iyo Horumarka ee Xisbiga KULMIYE oo qoraal ah, waxaan kala soo baxay mareegta wararka ay ku baahiyaan xisbigaas, kuna qiimeeyey 139-qodob oo ahaa kuwii ugu muhiimsanaa ee ka turjumayey arrimaha bulshada, ha noqdaan kuwo yagleel cusub ah iyo qaar jiray oo kor loogu qaadayey tayeyntooda, wixii u qabsoomay barnaamijkaas, ha fulo ama yaanu fulinbee ee la dhaqaajiyey  iyo wixii aan u qabsoomin ee aan la dhaqaajin.

Tixraac:  xisbiga KULMIye ee http://www.kulmiyeparty.org/ http://webcache.googleusercontent.com/search?q=cache:dUscvQWVgLMJ:kulmiyeparty.org/barnaamijka/&num=1&hl=en&gl=so&strip=1&vwsrc=0

Maxamed Faarax Qoti

Telephone Number:  063-4426743

mfqoti@gmail.com

LEAVE A REPLY