Hogaanka Maanta Dalku u baahan yahay iyo Duruufaha taagan

0
1218

Hargeisapress:- Aqoon-yahan Faysal Siciid Cali “Caynab” oo ka tirsan Qurba jooga reer Somaliland ee waddanka Qadar wuxuu si miisan leh u tafsiiriyay hogaan maanta dalku u baahan yahay.

Ummadkasta oo rabta inay gaarato Wanaag iyo horumarna waxaa lama huraan ah inay hesho Hogaan sax ah, oo leh tilmamihii hogaamiye-Nimo, ee Ummada u horseedi lahaa in uu si fudud u helo dhabooyin macquul ah oo soo afjari kara khilaafyada,musuqa,iyo maamul xumada noqotay dhaxalka.

Dhibaatadan dhalinyartii aanay haysan dariiq ay maraan oo u sahla in ay ku dhagaan majaraha saxda ee lumay waa in aynu si caqli sarre leh ku qiyaasno cida aynu rabno,caadifada iyo kalgacaylka ka horaysii yaa ku haboon maanta inuu hogaamiyo qarankan.

Aqoonyahan Faisal ayaa ugu baaqay shacabka dalkani in ay codkooda u hibeeyaan maalinta Doorashadda Musharaxa Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu ku tilmaamay ninka ugu haboon raga sharaxan.

Faysal Siciid Cali ayaa sheegay in wakhtigan lagu jiro ama la taagan yahay ay haboon tahay in Ummaddu ay doortaan Muuse Biixi oo uu sheegay in uu horumar gaadhsiin karayo dalka,

Muuse wuxuu kaga jiray 50sanno ee udanbeeyay kaalin wanaagsan oo halgan leh dib udhis dib uheshiisiin leh wuxuu usoo taagnaa wixii dhib iyo dheefba ka dhacay wadanka wuxuu ahaa nin sharciga ku adadag maanta dadka iyo dalkuba waxay ubaahan yihiin hogaan goaan leh oo xaaladaha maalgashi iyo mid ciidanba ee aduunku ku danaynayo geeska Africa

Waxaanu baaq dheer u diray shacabka Somaliland oo uu ka codsaday inay taagan tahay wakhtigii la dooran lahaa Musharaxa Xisbiga Kulmiye.

Waxaanu yidhi:- “Waxaan ugu baaqayaan Bulshadda Somaliland in ay codkooda siiyaan Muuse Biixi Cabdi,  waxaan ka dharagsan nahay in Musharaxa Kulmiye uu wakhtgan Dalka gaadhsiin karo horumar.

W/qoray: Faysal siciid Caynab

Ainab55@hotmail.com

Hargeisapress desk office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here