Hogaanka dalka ninkii u han-waynoow hankaagu ha dhaafo reer hebel! By: Axmed Naasir

0
1066

Tartanka xorta ah ee xalaasha ah ee ka jira gudaha dalka Somaliland ee ay ku tartamaan xisbiyada siyaasada ee sadexda ah kulmiye, ucid iyo waddani ayaa ah mid aanu hortaagnayd wax xidhiidh la leh cabudhis iyo cuno-qabatayn lagu hayo aragtiyaha kala duwan ee siyaasiyiinta ku kala jira sadexda xisbi qaran, iyadoo taasi ay jirto ayaa hadana waxa jirta cabasho badan oo ka soo yeedha dhanka xisbiyada mucaaridka oo ku aadan xukuumada talada dalka gacanta ku haysa.

Cabashada oo aad arki karto in ay had iyo goor ka duulayso baqe iyo baadhasho lagu geed garaacanayo dawlada dhexe oo badanaaba ay siyaasiyiinta xisbiyada mucaaridka ahi jecel yihiin inay qayb ka noqdaan xayn-daabka fulinta dawlada taaso aan marnaba suurto gal ahayn in loo dhamaado lagana wada arimiyo xudunta Somaliland iyo waliba inaanay jirin awood laga wada talin karo.

Bulsho kasto oo ku nool goob cayiman kuna hoos jirta maamulka ka jira goobtaas ayaa waxa alle (sw) jirta ina aan alle (sw) marnaba awooda maamul u dhiibin bulsho siday u dhantahay balse uu ka doorto dad yar oo faro ku tiris ah sida caadada u ahayd quruumihii hore ee inaga horeeyay eek u noolaa dhulka uu aadamahan cusubi haatan ku nolyahay.

Taariikhda soo jireenka ah sida lagu hayo ayaa ah in umad walba alleh(sw) cid ugu dhiibo maamulka, masuuliyadu waa hibo alle bixiyo uu ku sharfo cid gudan karta kuna maamuuso cida uu allah (sw) doorto mana aha mid xoog iyo xeeladba lagu hanto lagu gaadho, sidoo kale maaha mid dadka dhamaantood u qalmaan oo ay garan karaan xilka saran inta uu leegyahay iyo waxa laga filaayo inay ku horumariyaan bulshada allah(sw) u caleemo saaray.

Ninkii shalay lagu bartay qaabkii uu u maamulay xilkii uu umada u hayay kana soo bixi waayay masuuliyadii ka saarnayd bulshadii maanta ma hanan karaa xil kasii miisaan badan kana ahmiyad badan oo bulshada wax-ku-ool u ah, jawaab suaashu waa marag ma doono iyo doqoni ma garatay aan meel fogba laga raadinayne waa MAYA!!!.

Hadaba guntii iyo gunaanadkii waxan hadal kusoo koobay xilka alle ayaa bixiya cida uu u garto ayuuna siiyaa mudoda uu ugu talo galay ayaan hayaan habeen la dhaafi maayaan adigana waxaan alle kuu qorin hali maysid ee ha iimaan xumaanina wakhtigu wuu inoo imane!

 

Qore: axmed naasir
axmed.naasiir@gmail.com

LEAVE A REPLY