Hogaanka Dalka maanta yaa ku haboon

0
317

Hogaanka Dalka maanta yaa ku haboon

Hargeysa-Hargeisapress Magaalada hargeisa maanta waxaa bahda hadhwanaagnews waraysi ka qaadeen Aqoonyahan Mohamed ali bile waxaanay ka waraysteen siyaasada iyo marxaladda dalku maanta marayo? yaase hogaanka in loo cumaamado ku haboon sadexda musharax ee xisbiyada qaran kala hogaaminaya?

Aqoonyahan Mohamed wuxuu yidhi ‘Dalku wuxuu u baahanyahay hogaan adag oo goaan qaadasho leh si looga baxo xaalada cakiran ee arimaha bulshada,siyaada iyo dhaqaalahaba leh ee aynu ku jirno,dawladii soomaaliya oo ciidamo ka qoranaysaa deegaano ka mid ah somaliland buuhoodle,jibada qabiil ee wadankoo dhan laga istaadhay,siyaasi cayntayka xirfadiisu tuugnimada tahay ee horjooge ka noqday xisbiyada qaranka’

isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi ‘hogaanka adag ee aynu u baahanahay maaha C/raxmaan cirro musharaxa xisbiga wadani balse aragtidayda waxaa hogaankaasi iiga muuqdaa in uu Musharax Muuse biixi waqtiga adag inaga saari karo’

waakan waraysigii oo daawasho ah

Bahda warbaahinta hargeisapress Hargeisa office

LEAVE A REPLY