Hogaanka Aynu rabnaa waa in uu leeyahay Hiigsi sarre Aqoon iyo Awood goaan qaadasho leh

0
1692

Muwaadin waxay masuuliyadi kaa saarantahay xulashada musharaxiinta udardamaya jagada hogaaminda qarankeenan barakaysan ee jamhuuriyada Somaliland

Marka ugu horaysa waxay mahadi usugnaaday ilaahay subxaanahuu wadacaalaa ilaaha ka yeelay mandaqadan yar ee aynu ku noolahay nabad gelyo iyo horumar aanay haysanin wadamo inaga fac waawayn oo dhaqaale iyo aqoonsiba ina dheere
Marka labaad qofkasta oo isir ahaan kaso jeeda wadankeenan suuban ee soomaliland waxa masuuliyadi kasaaraday xulashada shaqsiga suuban ee uqalma hoogaaminta wadanka iyo qaabka uu ku xulanayo iyo sifooyinka ay tahay inaynu iska hubino hadaba yadoo aynaan qoraalkan aynaan kusoo wada koobaynin ayaa dalkeena waxa tartan ugu jira xulashada hogaamineed sadex muwaadin oo kala matalaaya sadexda xusbi .sadaxda musharax ee magacyadooda waa Muuse biixi, Cabdirahman Cirro , Faysal cali waraabe Hadaba haduu cod inaga Doonuhu haduu yeelan waayo qodobadan hoos inoogu qoran oo aad codkaaga siiso ifkana sharaf kuma lihid aakhirana fartaada waa lakugula xisaabtami.
Hadaba muwadin aynu eegno Muuse Biixi Abdi waxa uu kaga duwan yahay kagana Hogaan fican yahay musharixiinta kale.
1) Religion (Diin): sida dasduurkeenu dhigayo QODOBKA 106AAD FARQADIISA 2-AAD SHURUUDAHA QOFKA LOO DOORANAYO MADAXWEYNE AMA MADAXWEYNE-KU- XIGEEN waa in uu yeesho shuruudaha soo socda. 1. In uu muslim yahay, kuna dhaqmo diinta Islaamka waayo waxaynu nahay umad 100% muslin ah oo raba in lagu hoogaamiye muslim nimo iyo diinta suuban ee rabi ina faray
2) Nationalism (Wadaniyad) wadaniyadu waa dareen qofnimo iyo damiir umadeed taas oo shakhsigeeda ku dhalisa jacayl uu uqabo dalkiisa iyo dadkiisa, taas oo qofkeeda ka dhigta shaqsi kadamqanaya wixii xun ee dalkiisa iyo dadkiisa loo asteeyo una damqanaya dadkiisa iyo dalkiisa.
taariikh ahaan waxaa wadaniyada lasheegaa in ay jirtay aadanuhuna kubaraarugsanaayeen muhiimadeeda dhalashadii nabi ciise{C.S} kahor, waxaase aadanuhu si wayn u isticmaalay fikradaan muhiimadeedana si wayn loo fahmay xiliyada taariikhda ee lagu calaamadiyay fufkii yurub{ European reniesence}. waa xili umadihii kunoolaa dalalkaasi ay u adkaysan waayeen dulmigii iyo dibindaabyadii ay wadaadadii kaniisadu kuhayeen umadahooda, waana xili ay dhalinyaradii waayahaas unoolaa bulshooyinkaasi ay u istaageen in ay umadooda kaxoreeyaan dibindaabyada wadaado kaniisada kuxiran dadkiina uhorseedayay walaahow iyo mugdi nololeed. waana xiliga ugu caansan taariikhda casriga ah ee wadaniyada.
Hadaba sida aynu wada ogsoonahay Muuse Biixi Waxuu ka marag kacayaa inuu yahay muwaadin dhab ah waxuu naftiisa iyo maalkiisaba u huray wakhtigii wakhtigii xoraynda Somaliland ay iska xoraynaysay geligii taliskii siyaad bare oo duurka usoo kalay halka labada musharax ee kale waa cirro iyo Faysale inay dadkoodii iyo dalkooduu oo diyaarado lagu qaraacayo dawladii qaraacaysay ushaqeenayay xilal na ka hayay

3) Educational Background (taariikhta Aqoomeed) ninka madaxwaynaha ama madaxwayne ku xigeenka u noqonaya umad waa in uu noqtaa aqoonyahan heer jaamacadeed ah isla markaana uu ka gaadhay heerka darajada labaad ee loo yaqaano Master’s Degree iyo xirfada kale oo aqoomeed oo ku salaysan wadciga iyo dhaqanka wadankaasi leeyahay k

4) Decision Taking (Go’aan Qaadashada) Waa in go’aamada aad qaadanaysaa ay noqdaan kuwo fulintoodu kaa go’antay, haddii bilowga hore aad shaki badan ka qabto fulitaanka go’aankan, ha qaadan go’aankaas ee dib uga fikir.
Triples’ (Qabyaalada ) Qabyaaladu waa dareen qolonimo iyo udaacad ahaansho sad ka badsiga iyo dulminta dadka intiisa kale.Hadii sikale aynu u nidhaahno: Waa Qofka oo qaba figrad ah in awooda dalka & talada iyo faa’iidada oo dhami ku kobnaato qabiilka uu yahay.
Qeexida Qofka Qabyaalada Aaminsan:
• Qofku ku xisaabtamimaayo faaa’iidada iyo qasaaraha ugu jira fal kasta uu ku kaacyo asagoo meel iska dhigaayo cadiifada qabiilka oo caqliga ku tiirsanaaya.
• Qofku ma’oga baahida uu uqabo bulsho mideysan (qabilooyinka oo midooba)
• Qofkani marka uu cid taageeraayo ama doorasho timaado wuxuu taageeraa qofka qabiilkiisa ah oo kaliya xataa isaga oo og inuu xunyahay waxna u qaban doonin waxa kaliya ee uu ka diriraya waa yaan reer hebel helin
• Qofku wuxuu dad u arkaa dadka qabiilkooda oo kaliya, dadka kalena wax aan muhiim ahayn
Hadaba bal adigu muwaadin is waydii sadexdan musharax ka qabiiliga ah
5) Conflict Resolution (Xalinta Khilaafaadka) Sida aynu wada ogsoonahay waxa aynu markhaadi aanu ka wada nahay in uu musharax muuse biixi uu masters ka diyaariyay xalinta khilaafaadka ee jaamacada hargeisa dhaqan ahaana uu yahay nin dhaqanmada iyo xeerbeegdinimada aad uyaqaana .
Waa maxay khilaaf? Khilaaf waa kala duwanaan afkaar ama qofka oo u arka qofka kalle inuu qaldanyahay ama koox. Khilaafka wuxuu leeyahay sadex qeybood
1. (Negative conflict & dysfunctional conflict) khilaaf wax haleeyo ama curyamiya oo ah kan abuuro dhibaato naf iyo maalba leh waana khilaafadka ugu badan ee ka dhaca dunida.
2. ( Possitive conflict & functional conflict) Khilaaf wax hagaajiyo waa kan abuuro isbedel sida dowlada iyo shacabka oo isku dhaca kadibna laga gaaro Isfahan.
(Conflict management) xalinta khilaafaadka waa nidaam (systematic) isku xeran oo ah nidaam abuurayo natiijo qancinkarta labada garab ee ishaya. Waxaan muhiim ah in la abuuro jawi degan oo lid ku ah khilaafka oo soo afmeera, maxaa yeelay khilaafka wuu qarxi karaa xili kasto.
Ways to solve conflict or to manage ( Qaababka loo xaliyo khilaafka).
1. Understanding the root-cause of the conflict( in la fahmo sababta khilaafka).Waa in la helaa oo la fahmaa xididka khilaafka, tan waxay kaa caawineysaa inaad hesho xogta dhabta ah, qaabkii aad howsha u geli lahayd, ujeedooyinka la isku haya, iyo mabaadii`da la isku qilaafsanyahay.
2. To estimate the intensity of the conflict( in la qiimeeyo heerka khilaafka) Qiimeynta khilaafka waa muhiim waxayna kaa caawineysaa inaad ogaato ilaa xadka diyaarka loo yahay xal u helida khilaafka
3. To set strategy for managing the conflict( in la degiyo istaratijiyo cad si loo xaliya khilaafka) Qorshahan wuxuu kaa caawinayaa inaad gaarto xal dhab ah, qorshayaasha waxa ka mid ah

Hadaba halkaas waxa kaaga muuqada oo marak madoon ah inaanay mudaysanin dhamaan sifooyinkaa musharaxnimo Cabdirahman ciro iyo Faysal cali waraabe wa bilaahi tawfiiq .

W/qoray Mukhtaar Xuseen Yuusuf

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here