Hogaamiye Cusub oo Ururka Hamaas loo doortay Ismael Haniya

0
444

Hogaamiye Cusub oo Ururka Hamaas loo doortay 

Hargeisa (Hargeisapress)-Toban sano oo ay gacanta ku hayeen Gaza iyo toban sano oo ay dhuumasho ku jireenba Ururka Hamas waa ururka kaliya ee ka dhab tahay inay ka dagaalamaan dhulka reer falastiin ee Isreal la deegaameeyay, ururkan Hamas waxay doorteen hogaamiye cusub oo la yidhaahdo Ismaaciil Haniya oo badali doona Khalid mashcal oo ahaa hogaamiyihii hore oo muddo dheer soo waday ururkaasi,  ururkaas waxay doorashadani kusoo beegantay xili ay ururka hamaas ku dhawaaqeen 7 cisho ka hor in ay rabaan in dawlad loogu dhawaaqo Falastiin.

Ismaaciil haniya wuxuu daganaa GAZA imika wuxuu daganyahay wadanka Qatar wuxuu hore u ahaan jiray raisal wasaarihii falastiin ee saldhigeedu ahaa GAZA, waxaana dawlada isreal qaaday isku day badan oo ay ku dilaan, waxaa la xidhay ilaa 3 jeer, waa hogaamiye laga jecelyahay dhulka reer falastiin iyo islaamka aduunka kale daganba, waa nin waqti dheer kusoo jiray halganka waxaana laga filayaa in uu gaadhsiiyo meel sarre kana rumeeyo riyada dadka reer falastiin.

 

Hargeysa office Hargeissapress

LEAVE A REPLY