“Hogaamiyayaasha Qabiilada Ayaa Ku Ah Caqabad In Haweenku Helaan Cadaalad” Human Rights Center

0
881
Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xarunta Xuquuqal Iisaanka oo fadhigeedu yahay Magaalada Hargeysa, ayaa walaac ka muujisay Xuquuqda haweenka Somaliland, iyagoo baaqyo u soo jeediyay Dhinacyada siyaasadda wadanka iyo hogaanka dhaqanka. Xaruntu waxay hogaanka dhaqanka ku eedeeysay in caddaalad badan oo haweenku heli lahaa ay hor taagan yihiin, maadaama inta badan dambiyada haweenka laga galo ay faro galiyaan madaxdhaqameedku, islamarkaana wada xaajood ku dhamaystaan.

War-saxaafadeed

Xuska 8 March: Ha laga cidhib tiro Somaliland tacadiga ka dhanka ah dumarka   

Sanad walba waxa laga xusaa dunida oo dhan 8 March Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka. Haweenka Somaliland uma dabaal degayaan guul. Caqabado badan ayaa ka hortaagan inay helaan xorriyadaha iyo xuquuqaha aasaasiga ah ee dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ahi siiyeen.

Haween bay dhibaato ka soo gaadhaa gudniin, garaacis, kufsi iyo tacadiyo kale. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay u soo jeedinaysaa dawladda Somaliland inay la dagaalanto tacadiyada ka dhanka ah haweenka. Hogaamiyayaasha qabiilada ayaa ku ah caqabad in haweenku helaan cadaalad. Waa inaan loo ogolaan in hogaamiyayaasha qabiiladu ay faro-geliyaan dacwadaha ciqaabta ah ee lagu soo oogo dadka gala dacadiyada ka dhanka ah haweenka.

Hal ku dhegga sanadkani (2015) waa “Dumarka oo la Awoodsiyaa waa Banii-adantinimada oo la Awood siiyay: Bal Sawiro”. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ka codsanaysaa xisbiyada siyaasadda, baarlamaanka iyo dawladda inay kor u qaadaan ka qabygalka haweenku ku leeyihiin siyaasadda. Haweenku aad bay ugu yar yihiin saraakiisha sar sare ee dawladda iyo shaqaalaha, ha noqdaan kuwa dawladda iyo goobaha gaarka loo leeyahayba.

 Guleid Ahmed Jama                                                                                                    

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Email: dafac02@hotmail.comMobile: +252 (0) 63 4102244

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY