Hodgson oo Dhibaato u Arka in Man City iyo Liverpool Gaadhaan Final-ka Ciyaaraha Yurub iyo Warar kale

0
1143

HargeisaPress —Tababare Roy Hodgson, ayaa sheegay inay xulka England guul-darro u tahay haddii Man City iyo Liverpool gaadhaan Final-ka koobabka Champions League iyo Europa League oo hadda semi-final maraya.

 

Waxa uu Roy Hodgson sheegay in haddii Liverpool gaadho Final-ka Europa League ay ka dhigan tahay in aannu laacibiinta kooxdan u yeedhi karin ilaa ciyaarta u dambaysa, sidaa si le’eegna Man City.

 

Tababaruhu waxa uu sheegay in kooxaha iyo FA-gu ku heshiiyeen in laacibiinta England la fasaxo ciyaaraha horyaalka u dambeeya si uu qiimayn ugu sameeyo, balse aannu heshiiska ku jirin ciyaaraha Yurub.

…………………………………………………………………………

Tababare Dunga oo Lagula Taliyay inuu Thiago Silva Xulka Brazil Fursad ka Siiyo

Thiago Silva

Tababare Dunga, ayaa loogu baaqay inuu xulka ku daro kabtanka PSG ee Thiago Silva oo aan kulamadii u dambeeyay lagu darin ciyaartoy Brazil, kadib markii uu qalad sameeyay ciyaarihii Copa America.

Afhayeenka xidhiidhka kubbadda cagta Brazil, ayaa sheegay in Silva u qalmo in xulka fursad laga siiyo, balse go’aanka u dambeeyay iska leeyahay Dunga, sidaa darteed sugayaan inuu u yeedho iyo inkale.

Inkastoo uu Paris Saint-Germain qaab-ciyaareed fiican ku soo bandhigay, hadana xulka Brazil umuu ciyaarin wixii ka dambeeyay ciyaarihii Copa America ee ina dhaafay, taasoo ahayd markii u dambaysay ee uu u safto.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY