Heshiiskii ay Garoowe ku kala Saxiideen Dowladda Somalia iyo Madaxda Maamullada Somalida + SAWIRRO

0
976

Garoowe, (HargeisaPress) — Waxaa maanta magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland lagu soo gaba-gabeeyay shir dhowr maalmood socday oo u dhaxeeyay dowladda Somalia iyo madaxda maamullada dalka, waxaana shirka intiisa badan diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Soomaaliya.

Shirkii_Garoowe_Gunaanadkiisii (2)

Afhayeenka madaxtooyada Somalia Daa’uud Aweys ayaa saxaafadda u akhriyay heshiiskan oo ka koobnaa toddobo qodob oo kala ahaa.

  1. Fulinta iyo Hirgelinta Heshiisyadii Horey loo Galay.

Dawladda Federaalka Somalia iyo maamullada dalka waxay isku afgarteen dar-dar-galinta iyo fulinta dhammaan heshiisyadii horay ay u gaareen dhinacyadu , Si arrintaasi loo gaaro waxaa lagu heshiiyay in la magacaabo guddi isku-dhaf ah oo ka shaqeeya hir-gelinta heshiis-yadaas, waxaana lasoo dhoweeyay wixii ka qabsoomay heshiisyadii la galay.

Shirkii_Garoowe_Gunaanadkiisii (3)

  1. Dastuurka iyo Arrimaha Federaalismka.

Si loo dardargaliyo geeddi socodka dib u eegista dastuurka, waxay Madashu isku raacday in la dhamaystiro xubnaha ka dhiman Guddiyada dib u eegista iyo Kormeerka Dastuurka ee ka imanaya Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka sida ku cad Qodobka 133-aad Farqadiisa labaad Xarafka (A) iyo Qodobka 134-aad Farqadiisa Labaad.

Shirkii_Garoowe_Gunaanadkiisii (4)

  1. Hiigsiga 2016-ka (Vision 2016).

(a) Waxaa la isku raacay in dalka Somalia ay ka qabsoomaan doorashooyin xor ah 2016-ka. (b) In talada geeddi socodka Hiigsiga 2016-ka ay ahaato mid loo dhan yahay.

  1. Dhismaha Dawladaha Xubnaha ka noqonaya dawladda Federaalka.

(a) Dhismaha maamullada ka mid noqonaya dowladda Federaalka Soomaaliya waa in lagu saleeyo Dastuurka KMG-ka ah ee dalka.
Shirkii_Garoowe_Gunaanadkiisii (7)
(b) Waxay dhinacyadu Wada-tashigu isku raaceen in dhismaha maamulka KMG-ka ah ee Gobollada Dhexe ee ay dowladda federaalku hoggaaminayso lagu saleeyo heshiiskii 14-kii Oktoobar 2014-kii Qodobkiisa 13-aad ee ay isla gaaeeen dawladda Federaalka Somalia iyo maamulka Puntland.

(c) Ergooyin ka socda gobolka Mudug Qaybta Puntland lagama qayb-gelin karo shirka lagu dhisayo maamulka Gobollada Dhexe ee Somalia.

  1. Arrimaha Ammaanka:

(a) Dhismaha iyo isku-dhafka ciidamad Qaranka Soomaaliyeed (Somali National Army).

(b) Waxaa la isku raacay in la hir-geliyo is-afgaradkii 12-kii Abriil 2015-kii ee RW Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas kasoo tilmaamayay in 3000 oo askari looga qoondeeyo Ciidammada Xoogga Dalka Puntland iyo in dowladda dhexe ay la wareegto xuquuqda ciidamadaas.

(c) In Dowladda Soomaliya ay taageero guud siiso dowladaha xubnaha ka ah DFS, gaar ahaan dowladda Puntland laga caawiyo la dagaalanka argagixisada; iyadoo cabsi laga qabo in argagixisadu kasoo gudubto xuduud-badeedka u dhexaysa Yemen iyo Soomaaliya.

Shirkii_Garoowe_Gunaanadkiisii (8)

(d) In Wasaaradda Amniga Dowladda Federaalka Somalia ay abuurto xariir iyo is-kaashi joogta ah oo u dhexeeya Wasaaradaha Amniga ee maamullada xubnaha ka ah dowladda federaalka Somalia, gaar ahaan arrimaha khuseeya amniga iyo la dagaalanka argagixisada,

(e) In la diyaariyo qorshe mideysan oo looga saarayo Al-shabaab oo ay ugu yeereen UGUS deegaanada wali gacantooda ku harsan.

(f) In sida ugu dhaqsaha badan loo sameeyaa guddiga amniga Qaran sida ku cad dastuurka KMG ah ee ee dalka cutubkiisa 10-aad, Qodobka 111-aad farqadiisa (h) oo tilmaamaya in la dhiso guddiga ammaanka Qaran.

(g) Si loo dar-dar-geliyo xoraynta iyo xasilinta deegaannada waxaa beesha caalamka laga codsanayaa inay taageero buuxda ka geystaan dhismaha ciidamada booliiska oo ay leeyihiin maamullada xubnaha ka ah federaalka Somalia oo ku fulin sugida amni degmo walbana loo qoondeeyo 200 oo askari Boolis.

  1. Wadaaga Khayraadka;

* Ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah;

(a) In khayraadka dalka omalia ku jira ay tahay hanti ummadda Soomaaliyeed ay wada-leedahay, lana dhiiri-galiyo sidii looga wada faa’idaysan lahaa.

(b) In la sameeyo isla markaana la dhameystiro dhammaan sharuucda ka faa’idaysiga iyo wadaaga kheyraadka dabiiciga ah.

(c) Si loo dadajiyo samaynta shucuucda qaybsiga khayraadka dabiiciga ah; waxay madashu ku heshiisay in la magacaabo mudo 45-maalmood gudahood ah guddi ka kooban dowladda federaalka Somalia iyo maamullada xubnaha ka ah oo kasoo shaqeeya heshiis KMG ah oo ku saabsan qabysiga khayraadka dalka.

* Qaybsiga Deeqaha Caalamiga ah iyo Cahdiga Cusub (New Deal)

(a) Waxaa la isla gartay inaan lagu qanacsanayn loona baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo cahdiga cusub (New Deal).

(b) Deeqaha lagu helo magaca Soomaaliya in loo qaybiyo si cadaalad ah iyadoo la abuurayo jawi abuuri kara kalsooni iyo hufnaan lana dhiso guddi farsamo oo ka kooban dowladda FS iyo maamullada xubnaha ka ah federaalka.

  1. Baahinta maamulka Gobolada iyo degmooyinka:

Waxay madasha isku raacday in maamullada xubnaha ka ah dowladda dhexe ee Somalia ay dadajiyaan dhismaha iyo dhamaystirka maamullada gobolada iyo degmooyinka dalka.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud iyo madaxda maamullada Jubba iyo Koonfur-galbeed ayaa si wadajir ah u soo dhaweeeyay heshiiskan oo sido kale ay goob-joog ka ahaayeen xubno ka socday beesha caalamka.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY