Hay’adda UNHCR oo Ammaantay in Bulshooyinka Qaxootiga Yemen Loogu soo Dhaweeyey Dalka Somaliland

0
799

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo kulan la qaatay weftiga ka socda Hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNCHR

Hargeysa,(HargeisaPress)—Hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNCHR, ayaa ammaantay sida fiican ee bani’aadanimada ku salaysan ee bulshada ka soo qaxay colaadaha waddanka Yemen loogu soo dhaweeyey dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland maanta, Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Hay’adda qaxootiga ee UNCHR, kuwaasoo dowladda Somaliland ku bogaadiyey hab-dhaqanka wanaagsan ee lagu qaabilay dadka qaxootiga ah. Qoraalka warkaas oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan; “Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici)  ayaa maanta (shalay) xafiiskiisa ku qaabilay  Madaxa Hay’adda UNHCR  ee Somaliland, Ms. Sarah Khan  iyo U-qaabilsanaha Hay’adda ee  Qaxoontiga Magaalada Berbera Mr. Rooble Cawaale.

Madaxa Hay’adda UNHCR, Ms. Sarah Khan ayaa Dowladda Somaliland   ku ammaantay qaabka ay u soo dhaweeyeen qaxootiga ka yimid  waddanka Yemen  ee Colaaduhu saameeyeen, waxaanay sheegtay in ay Somaliland ku qaabishay hannaan wanaagsan oo bani’aadamnimo, isla markaana ay  u samaysay is dhex-gal dadka qaxootiga ah iyo dadka reer Somaliland, iyadoo ay  sheegtay in Dowladda Somaliland muujisay, xilna iska saartay daryeelka qaxootiga magan-gelyada ku jooga Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo ay xustay inay tahay    tusaale fiican oo indhaha caalamku soo jiitay, iyaguna ka hay’ad ahaan ay aad ula dhacsan yihiin.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa uga mahadceliyey booqshada ay ugu yimaadeen,  isagoo  uga waramay  qaabka ay ka dowladd ahaan ula macaamilaan qaxoontiga waddanka jooga, sidoo kalena u sheegay in loo baahan yahay iskaashi buuxa oo wax loogu qabto dadkaasi colaaduhu soo baro-kiciyeen ee qaxootiga ah,” ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

HargeisaPress.com/Hargaysa Office

Hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here