Hay’adda Shaqaalaha Oo Waxka Bedel Kooban Ku Samaysay Sacaddaha Shaqaalaha Dawladdu Hawlgeli Doonaan Bisha Rammaddaanta Dhambaal Hambalyo Ahna Ka Diray Curashaddeeda

0
1264
Sharmarke Axmed Muxumed Geelle Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland PHOTO FILE

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa wax ka bedel kooban Bisha Barakaysan ee Rammaddaanta inta lagu jiro ku samaysay saacaddaha ay shaqada ku jirayaan ama shayn doonaan shaqaalaha kala duwan ee Dawladdu u qorsheeyey si ay waajibaadkooda shaqo iyo Cibaaddada ALLE ku waajibiyey labadaba u gutaan.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa maanta shaaciyey go’aan ay soo saareen Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland oo ay ku socod siiyeen shaqaalaha dawladda ee kala dudwan in saacaddaha ay shaqayn doonaan bisha barakaysan ee Rammaddaanta oo wax ka bedel kooban lagu sameeyey, waxaana shaqaalaha la faray inay shaqooyinka dawladda inta lagu jiro Bisha Ramaddaanta soo geli doonaan 8:00 Subaxnimo kana bixi doonaan 1:00 Duhurnimo si ay shaqooyinka ay qaranka u hayaan  u gutaan isla markaana Cibaaddada ALLE ku waajibiyey u haleelaan dadku, waxaana Guddoomiye Sharmarke Geelle dhambaal hambalyo curashadda Bisha Barakaysan Rammaddaanta ku saabsan uu u diray shacabka Somaliland iyo shucuubta Islaamka oo uu ku hambalyeyey Bishan.

md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle waxa uu qoraalkiisu u dhigna sidan.

Wargelin

Hambalyo iyo Wax-ka bedel Saacadaha Shaqada

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sida aad la socotaan waxaa inoo bilowday bishii barakada badnayd ee Ramadaan, taasi oo loo diyaar-garoobayo cibaado iyo in xuska Alle dedaal dheeraad ah la geliyo.

Sidaa darteed, guddida hay’adda shaqaalaha dawladdu iyaga oo dareensan muhiimadda maalmahan tirsani u leeyihiin Addoomaha, sidoo kalena qiimaynaya in shaqaalaha dawladdu uga faa’idaystaan inta ugu badan, waxa ay ku wargelinayaan in is beddel kooban lagu sameeyey saacadaha shaqada.

Jadwalka cusub ee bisha barakaysani waxa uu noqon doonaa sidan:

Shaqo-gelista: 8:00Am “Subaxnimo”

Shaqo-ka bixidda: 1:00Pm “Duhurnimo”

Ugu dambayn, waxa aan ugu hambalyeynayaa guud ahaan shaqaalaha dawladda curashada bisha barakada badan waxa aanan u rajaynayaa in Alle ku daro inta helaysa dembi dhaafka, naxariista iyo in Alle jidhkooda naarta ka xoreeyo.

Ku Cibaadaysta Cafis iyo Caafimaad

Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL

LEAVE A REPLY