Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Laascaanood Ku Qabatay Tartan 50 Shaqooyin Dawladu Qaadanayso

0
961

Laascaanood (Hargeisa Press.com): Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland oo ay wehelinayaan xubno hay’adaas ka tirsan ayaa maanta magaaladda Laascaanood waxay imtixaan kaga qaadeen 50 qof oo shaqo dawladda ka banaan u tartamaya.

Imtixaankaasi oo lagu qaaday xarunta jaamacadda Nugaal ee Laascaanood ayaa guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha waxa uu    sharaxay qaabka Imtixaanka ay u qaadeen iyo fursado shaqo abuuris oo dawladdu ay shaqaale kaga qaadan doonto 50 shaqooyin k dadweynaha reer Sool.

Sharmarke Axmed Muxumed, oo faahfaahin ka bixinayay imtixaanka ay maanta Laascanood ku qaadeen,  waxa uu yidhi “Maanta waxaanu magaaladda Laascaanood gaar ahaan Xarunta Jaamacadda Nugaal ku qaadaynaa Imtixaankii loogu talo galay 50 Arday ee ugu sareeya dawladdu shaqaale u qaadanayso.

Waxaan  idiinka rejaynayaa guul intii Illaahay u qoray 50 kaalmood ee shaqaaloobaya inay si qurux badan u soo baxdo inteena kale qof waloowba qalinkaaga ka sakow qadar ayaa jira iyo quud ka sareeya, maanta waxa guulaysanaya ka sakow qadarka, qalinka iyo qorshaha aynu ku baxayno inta qof ee  Illaahay sumxaanuhu wa tacaala u qadaro”.

“Halkan  50-ka kaalmood ee u sareeya ee soo baxa waxaan idiin sheegayaa waxay noqonayaan 50 shaqaale oo ka shaqayn doona gobolka Sool ka hawlgeli doona sida darteed hadii uu jiro Arday reer Sool ah oo waxbarasho ahaan iyo deegaan ahaan degan gobol kale.

Laakiin,  kaadhkiisa dhalashadu uu u saaciday in uu gobolka Sool Imtixaan ku galo, hadii uu guulaysto halkan ayuumbu ka shaqaynayaa , hadii uu ka shaqayn kari waayana Ardayga ku sii xiga xaga Imtixaanka ayuumba la qaadanayaa oo wasaaradaha qaranka uu ka hawlgeli kari waayo”ayuu yidhi guddoomiyuhu.

Sharmarke  Geelle  oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi  “Gobolka Sool caasimaddiisa Laascaanood aanu markii 2aad maanta joogno waan idiin hambalyeynayaa in aad ku beegantaan ama qarankeenu gaadho in maamul daadejin iyo Imtixaanadu ka dhacaan meelaha ugu soo fog ee runtii loo soo dhaadhicin karo dunida oo dhan Imtixaanada meelo fog ayaa mararka qaar loo safraa, laakiin adeega ayaa la doonayaa inay dawladdu soo dhaadhiciso.

Waxa  la doonayaa qofka Laascaanood jooga wax aliyaa la wixii uu Hargeysa ka heli jiray in uu Laascaanood ka helo ee ah adeega dawladnimada, dadkeena shaqooyinkan dawladda ku guulaysta waxa loo leeyahay halkan gobolkiina Sool ka shaqeeya waa adeegii safarka dheer loogu tegaayey baahidiisa Caasimadda Hargeysa ayaa la doonayaa in gobolada ay ka qabsoomaan oo laga helo.

Imtixaanadeeda oo kaliya idiinma soo daadejino, laakiin maamulka oo dhan ayaa la soo daadejinayaa oo miisaaniyadda iyo shaqaalaheeda iyo shaqada ay qaranka u qabataba waa inay soo dhaadhacdo oo qofku isaga oo Laascaanood jooga halkan adeegyada dawliga oo dhan uu ka wada helo.

Marka  Imtixaan uun ma dhaadhicinayno oo waa adeegyadii dawliga ahaa oo dhan ,  Imtixaanka aanu qaadayno oo ku dhisan Imtixaan furan, qalin furan iyo Qadarka, mar kale inta guulaysata waan u hambalyeynayaa inteena kale ee Imtixaankan ka qaybgalaysa mar kale ayeydun Inshaalaah idinkuna guulaysan”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here