Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Oo Shaacisay Wakhtiga La Qaadayo Imtaxaanka Ay Galayaan Aqoonyahanka Gobolka Sool

0
1017

Hargaysa, (HargeisaPress) –Guddoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha Dawlada Somaliland mudane sharmaake Axmed Muxumed Geelle ayaa shaaciyay wakhtiga ay imtaxaanka u fadhiisanayaa ardayday ardayda aqoon yahanka ah eek u dhaqanka gobolka sool.

Sharmaake Geelle ayaa sheegay in Maalintii Axada si habsimi leh u soo dhamaatay qabashadii codsiyadii shaqo ee aqoon yahanka gobolka sool ku tartamayeen 50 kaalmo shaqo oo haay’adda shaqaalaha u qabanayso tartan daah furan.

Wargelin: Taariikhda iyo Goobta Imtixaanka Shaqo ee Gobolka Sool

Waxaa maalintii Axada si habsami ah u soo dhamaystirmay qabashada codsiyadii Shaqo ee Gobolka Sool halkaas oo ay dhalinyarada aqoonyahanka ahi ku tartami doonnaan 50-Kaalmo Shaqo oo Hay’adaha Dawladda ka bannaanaday.

Haddaba, tartanka ayaa qabsoomi doonna maalinta Salaasada ee bari ah taariikhduna tahay 04/12/2018 Insha Allah

Tartamayaasha waxaa lagu wargelinayaa in ay xarunta Jaamacadda Nugaal ee Laascaanood kasoo xaadiraan 9:00Am Subaxnimo ee maalinta Salaasada iyaga oo sita Shahaadooyinkii asalka ahaa “Original” ee ay Copy-giisa horay u soo xaraysteen iyo Aqoonsiga Muwaadinka Somaliland “Somaliland National ID Card”

Waxaan u rajaynayaa tartamayaasha guul iyo tartan hufan

Sharmaarke Axmed Muxumed Gelle

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here