Hay’adda HAVOYOCO Oo Xus Weyn U Samaysay Maalinta Dhallinyarada Adduunka Iyo Masuuliyiintii Ugu Badnaa Oo S Ka Qayb Galay + SAWIRRO

0
734

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guud ahaanba Maanta dunida waxa si weyn looga Xusay, loogana weyneeyey Xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka ee 12-August oo sannad walba dunida guudkeeda laga xuso ayay Hay’adda Waddaniga ah ee HAVOYOCO xuskii ugu ballaadhaanaa oo ay maalintan caalamiga ah ku weynaynaysay ku qabatay Hoolka Shirarka ee Huteel Maasnoor ee Magaalada Hargeysa.

HAVOYOCO oo ka mid ah hormuudka Hay’adaha Waddaniga ah ee Somaliland muddo badana ka soo shaqyanaysay horumarka shacabka Somaliland ayaa waxa ay Xuska Maalinta qaramada Midoobay u astaysay Dhallinyarada ku maamuustay xaflad ballaadhan oo lagu soo ban dhigay xaaladaha iyo duruufaha ku gedaaman Dhallinyarada Somaliland iyo sidii looga wada tashan lahaa wax qabad dhab ah oo hareeraha laga joogo oo lagu awoodeeyo laguna horumariyo guud ahaan Dhallinyarada Somaliland meel kasta oo ay joogaan Miyi iyo magaaloba.

Xafladdan oo ay ka soo qayb galeen Xubno Wasiirrada Somaliland ah, Saraakiil sare oo dawladeed, Madaxda Hay’adaha Maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahba iyo marto sharaf kale oo badan ayaa Ugu horrayn Xafladdan waxa ibo furay oo nuxurkeedana ka hadlay Agaasimaha Fulinta Hay’adda YAVOYOCO Mudane Cabdilaahi Maxamuud Xasan, waxaanu yidhi: “Hay’adda HAVOYOCO oo kaashanaysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland iyo Hay’adda OXFAM waxa ay sannadkan soo qaban qaabiyeen xafladdan oo ka duwan xafladihii hore loo qaban qaabin jiray. Wasiirradii la taliyayaashii oo dhammaantood dhalinyaro ah. Taasi waxa ay na tusaysaa in xukuumaddu u heelan tahay in ay dhallinyarada dhiirri geliyaan. HAVOYOCO waxa sharaf weyn u ah in xuska maalinta sidan u weyn ay soo qaban qaabiso maadaama ay tahay maalin aad iyo aad u weyn. Waxa aan rajaynayaa in qorshayaasha dawladda, qorshayaasha hay’adaha aan dawliga ahayn, Private Sector-kuba ay caawin doonaan halku-dhegga sannadkan loogu tala galay oo ah ‘Save Space for Youth’” Ayuu yidhi Agaasimaha HAVOYOCO Cabdilaahi Maxamuud Xasan.

Dhinaca kale waxa iyaguna xuska maalintan qiimaha leh iyo xaaladda dhallinyarada Somaliland iyo sida loogu baahan yahay in laga wada shaqeeyo isaga daba maray Masuuliyiin isugu jiray Wasiirro, Agaasimayaal iyo la taliyayaal kuwaasi oo dhammaantood u mahad naqay doorka Hay’adda HAVOYOCO iyo sida loogu baahan yahay in dhexda loo xidho sidii dhallinyarada Somaliland loo garab joogsan lahaa.

Wasiirrada Qorshaynta Qaranka, Maaliyadda, Shaqo galinta iyo Arrimaha Bulshada, Wasiirka Caddaaladda, La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada iyo sidoo kale Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland. kuwaasi oo dhammaantood xusay xafiis wal ay masuul ka yihiin doorka kaga aaddan horumarinta dhallinyarada Somaliland iyo sidii wax looga qaban lahaa duruufaha adag ee wakhtigan ku gedaaman dhallinyarada iyaga oo sheegay in xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ay ka go’an tahay sidoo shaqo abuur badan loogu samayn lahaa dhallinyarada.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here