Hay’adda EAD Ee Horumarinta Bariga Africa Oo Deeq Raashina 11tan U Qaybisay Dadkii Duufaanku Ku Waxyeeleeyeu Somaliland + SAWIRRO

0
749

BULLAXAAR, (HargeisaPress) – Hay’adda EAD ee Horumarinta bariga Africa ayaa deeq Raashina 11tan u qaybisay 260 qoys, dadkii duufaanku ku waxyeeleeyeu Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Raashin qaybintaa waxay Hay’addu ka bilowday degmada Bullaxaar, Gobolka Saaxiil oo 80 qoys oo jilicsan ugu qaybisay raashin. Waxaa deeqdaa gudòonsiiyey Maamulka degmada Bullaxar Madaxa gudida Hay’adda EAD ee Somaliland Md. Ahmed Ibrahim Kadleye, waxaana ka gudoomay Gudoomiyaha degmada Bullaxa Ismaciil Xasan Maxamed iyo gudoomiye ku-xigeenka Deg. Bullaxar Sakariye Xasn Mùuse oo u mahadnaqay dhammaan Gudida Hay’adda EAD dal iyo dibadba iyo qurbajoogta reer Somaliland ee kasoo qayb qaatay inay soo gaadhsiiyaan deeqdan raashinka ah walaalahooda uu duufaankii ku waxyeeleeyey Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxay sidoo kale Hay’addu 50 qoys raashin ugu qaybisay tuulada Ceel-Sheekh ahna qoysas aad u jilicsan oo dhibaato kasoo gaadhay duufaankii.

Waxaa deeqdaa gudida EAD ka gudoomay masuuliyiinta iyo waxgarad bulshada degaanka Ceel-Sheekh ku nool. Waxay sidoo kale Hay’adda EAD raashin 60 qoys ugu qaybisay tuulada Cabdi-Geedi oo ka mida meelihii duufaanku si adag ugu waxyeeleeye bulsho badan.

Waxay Hay’addu sidoo kale raashin gaadhsiisay 70 qoys tuulada BUS ee waqooyiga gobolka Gabiley oo duufaanku dad badan ku waxyeeleeyey oo badankoodu ku waayeen xoolihii noloshoodu ku tiirsanayd.

Intii aanay Hay’addu qaybin raashinka waxay socdaal ku martay dhammaan degaamadaas si ay usoo diiwaan geliso qoysaska ugu sii jilicdasan dadkaa duufaanka dhibaatadu kasoo gaadhay – iyadoo la tashanaysa maamulada iyo waxgaradka degaamadaa si looga soo xulo dadka ugu sii jilicdsan dadkaa baahan.

Dhammaan waxgaradka iyo masuuliyiinta degaamadaa Hay’addu raashin gaadhsiisay ayaa u mahadnaqay Gudida Hay’adda iyo qurbajoogta reer Somaliland ee soo gaadhsiiyey deeqdan raashinka ah wakhti ay aad ugu baahan yihiin.

Gudida Hay’addu EAD waxay halkan mahadnaq u soo gudbinaysaa Hay’adda ka hortagga Aafooyin Qaran Jamhuuriyadda Somaliland, Mayor ka iyo maamulka Gabiley iyo Cuqaasha degaamada waqooyiga oo talo iyo tusaale ba nagala qayb qaatay in si habsamiya raashinkani u gaadho dadka u baahan.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here