Hay’adaha Iyo Ururadda Rayidka Ah Oo Ku Qashifmay Xadhiga Guddoomiyihii Xuquuqal Iinsaanka Iyo Deeq-Bixiyeyaashii Oo Soo Canaantay

0
806
Guleid Ahmed Jama Chairperson, Human Rights Centre

Hargeysa, (HargeisaPress) — Hay’adihii iyo ururaddii muxaliga ahaa ee beesha caalamka maalgalinta kaga qaadan jiray difaaca xoriyaadka, dimuqraadiyada iyo xuquuqda aadamaha ayaa ku qashifmay xadhiga guddoomiyihii xarunta xuquuqal iinsaanka ee Somaliland  Guuleed Axmed Jaamac.

Xadhiga guddoomiyaha xarunta xuquuqal-iinsaanka Guuleed Axmed Jaamac oo haatan laga joogo 18  cisho ayaan ilaa hadda aanu jirin urur ama hay’ad rayid ah oo ka hadlay, taas oo ka cadhaysiisay deeq-bixiyeyaashii ay ururadaasi iyo hay’adahaasi kaalmada kaga qaadan-jireen u doodista xuquuqda bulshadda rayidka ah iyo xoojinta kaalinta ay hay’adaha rayidka ahi kaga jiraan horumarinta mujtamaca.

Mr Guuleed ayey ciidanka Bilaysku xabsiga u taxaabeen ka dib markii uu ka qaybgalay dood ay qabatay idaacadda BBC-da  laanteeda Afsoomaaliga, taas oo uu ka jeediyey hadalo uu ku dhaliilay maxkamadaha iyo garsoorka dalka oo uu musta-wahooda ku tilmaamay mid ka hooseeya ka caalamka.

Hase yeeshee urur siyaasadeedka Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta ayaa isagu markiiba si kulul u cambaareeyey xadhiga Mr Guuleed, isla markaana xukuumadda ugu baaqay inay si shuruud la’aan ah degdeg xoriyadiisa ugu soo celiso.

Waxa kale oo arrintan ka hadlay urur saxaafadeedka SSJW iyo wargeyska Haatuf oo warar iyo faalooyin kala duwan ka qoray xadhigiisa.

Labada xisbi-mucaarid ee Waddani iyo UCID ayaa iyaguna todobaadkii hore xukuumadda Somaliland ugu baaqay sii-daynta Guuleed.

Xadhiga Guuleed ayaa si balaadhan looga cambaareeyey dalka dibadiisa, iyadoo ay arrintani sii-siyaadisay sumcad-xumadii ay xukuumadda Siilaanyo hore ugu soo jiiday dalka Somaliland.

Dhinaca kale Dalladda ay ku kulmaan ururadda aan dawliga ahayn ee Somaliland ee SONSAF ayaa sida la sheegay maalinta barri ah qabanaya shirjaraa’id oo ay markii ugu horaysay kaga hadlayaan arrinta xadhiga guddoomiyaha xarunta xuquuqal-iinsaanka ka dib markii culays kaga yimid dhinaca deeq-bixiyeyaasha.

Ururadda iyo hay’adaha bulshadda iyo kuwa samo-falka ee dalka ayaa inta badan waxa cadaadis-saarta xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo, taas oo ku kalifta inay marwalba la saftaan xukuumadda isla markaana ka gaabsadaan ka hadalka xad-gudubyada joogtada ah ee ay u gaysato xoriyaadka iyo xuquuqda aadamaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here