Haweenaydii Ugu Horreysay Fanka Soomaalida Oo Hargeysa Ku Geeriyootay Iyo Tacsi Loo Dirayo Shacabka & Ehelkeeda

0
1025
Marxuumad-Guduudo-Carwo

Hargeysa, (HargeisaPress) — Alle ha u naxariistee Waxa Magaalada Hargeysa ku Geeriyootay Fannaanadii caanka ahayd ee Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo-carwo) oo ahayd Haweenaydii u horreysay ee ka heesta Idaacadda Radio Hargeysa Kontomeeyadii.

Fannaanadda oo Dhowr iyo Tobankii Sannadood ee u dambeeyay Dhul-yaal ahayd, ayaa Xaqu u yimid Maanta isla-markaana ku Geeriyootay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Marxuumadda waxa Taariikhda u galay inay ahayd Fannaanaddii reer Somaliland ee ugu horreysay ee ka heesta Idaacadda Radio Hargeysa, xilliyadii ay Shacabka Somaliland ku hoos jireen Gacanta Gumaystihii Ingiriiska, waxayna qaadday Heeso u badnaa Waddani lagu dhiiri-gelinayo in la iska dul-qaado Gumaystihii Ingiriiska.

Marxuumadda oo ay Tacsi u direen inta badan bahda Fanka ee Somaliland, ayaa waxa kale oo Geerideeda Shacabka ka tacsiyadeeyay Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Dhambaalka Tacsida ah oo soo gaadhay Himilomedia.com, ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada, bahda fanka iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Fannaanadii caanka ahayd ee Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo-carwo) oo ku geeriyootay Hargeysa xalay oo taariikhdu tahay 07/12/2017.

Marxuumad Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo-carwo) oo ahayd hooyadii fanka Soomaalida, isla markaana ahayd gabadhii u horraysay ee Soomaaliyeed ee ka heesta idaacad, waxay caan ku ahayd heesihii Soomaalida ee loo yaqaanay Qaraamiga, waxaanay hormood u ahayd horumarintii fanka Soomaalida.

Madaxweynaha cusub waxa uu ku sifeeyey Marxuumad Shamis Guduudo-carwo mid ka mid ahayd xidigihii ifiyey ee horumariyey fanka Afka Soomaaliga oo ka baxday dhammaan dadka Soomaalida ah, isla markaana waxa uu xusay inay ahayd addoon wanaagsan oo aad u cibaado badnayd.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumadda Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here