Hargeysa: Xukuumadda Siilaanyo Oo Dib Xorriyadoodii Ugu Soo Celisay Badi Masuuliyiintii Xisbiga WADDANI Ee Xabisyada Xalay Iyo Saaka Loo Taxaabay

0
762

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa goordhawayd ooda ka soo qaaday badi masuuliyiintii xisbiga WADDANI xalay ilaa saaka xabsiyada loo taxaabay marka laga reebo ilaa laba sarkaal oo ka tirsan gudida fulinta Xisbiga WADDANI, qaar ka mid ah masuuliyiintii xisbiga WADDANI ee Xabsiyada laga soo daayey galabta oo ka waramay siday wax u dhaceen ayaa ku bilaabay sidan:-

“Xalay saqdii dhexe ciidan aanan garanayn ayaa iga qafaashay gurigaan degenahay kolhadii sifo sharciya loo marin xadhigayga oo anana danbina faraha kula jirin waa tacadi. ciidanka qiimaha badanise waxay fulinayeen amar ka sareeya Alle mahadii hadaa xoriyadaydii waa laysoo celiyay inkastoon ka xumahay sida layla dhaqmay. sabab la’aana waa lay xidhay sabab la’aana waa laysoo daayay ” dawladnimada habbooni mahaa dastuur jebin duudsiin xuquuq muwaadin, dareen la’aan shacan iyo danaysii garaa” nabad gelyada in ala ilaaliyaa waa wanaagsantahay waana nolosha keliya ayanu haysano qofkasta masuuliyadbaa saaran. muxaafid iyo mucaaradiba wacdarahase dhacayaa waa lama arag lama maqal feejignaan badana waa loo baahanyahay iima muuqado tudhaale.|”Ayuu Yidhi Maxamed Sidiiq

 

Dhanka Kalen Afhayeenka Garabka Haweenka heer Qaran Xisbiga WADDANI Marwo Amaal Yusuf Cabdi oo iyana ka warantay qaabka ay wax u dhaceen waxaanya tidhi” saaka salaadii subax ayaa la iga qafaashay guriga waxana la geeyay saldhiga Degmada Maxamuud Haybe, goordhaweyda ayaa la isoo daayey

 

Waxa kala oo isna maanta xabsiga laga soo daayey iimaam Khadar Gaaxnuug Koosaar oo isagna xalay saqdii dhexe lagala baxay gurigiisa iyo Muwaadiniin Kale .

 

Isku soo wada duubo xukuumadda cimrigeedii sii idlaanayo ee siilaanyo ayaa xalay ilaa saaka xabsiyada ku gurtay masuuliyiin tirobadan oo ka tirsan xisbiga WADDANI iyo weliba tageerayaashii xisbiga Qaarkooda,blasé galabta ayaa badi laga soo daayey xabsiyada.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here