Hargeysa: Wasiirka Dhallinyaradda Iyo Ciyaaraha Oo Shahaadooyinkii Aqoonsiga Gudoonsiiyey 20 kooxood Oo Kubadda Cagta Ah Oo U Soo Baxay Heerarka 2-aad Iyo 3-aad.

0
893

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka wasaaradda Dhallinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Md. Cali Siciid Reygal ayaa shahaadooyin Aqoonsiyo guddoonsiiyey 20-kooxood oo heerarka labaad iyo saddexaad oo kubadda cagta ah, kuwaas oo ku guuleystay inay noqdaan kooxaha heerka labaad iyo saddexaad ee Caasimadda, ka dib markii lagu kala saaray tartan ay ka soo qeyb-galeen Degmooyinka caasimadda Hargeysa, kaas oo uu qabtay xidhiidhka kubadda cagta Somaliland.

c1(27).jpgUgu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Xoghayaha xidhiidhka kubadda cagta Md. Sacad Maxamed Shire, waxaana uu ka war-bixiyay sidii ay ugu hir-geshay hawshan kala saarida kooxahan oo ahaa kooxaha ugu baddan kooxaha kubadda cagta caasimadda, waxaana uu xusay inay kooxaha ku kala saareen shuruudo ay ku xidheen kuwaas oo ay kala shaqeeyeen guddiyo dhanka ciyaaraha ah oo Degmooyinka ah, waxaana uu xusay in qabsoomida tartanka ay qeyb-laxaad leh ay ka qaateen wasaaradda Ciyaaraha, Dallada SONYO iyo hay’adda Mercy Corps. Waxaa sidoo kale isna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta, waxaana uu ugu horeyn kooxaha ugu hambalyeeyay dedaalkii ay la yimaadeen iyo sidii wanaagsanayd ee akhlaaqda lahayd ee ay tartanka ugu qeyb-qaateen. Sidoo kale waxa uu ku dheeraaday wax-qabadkii ay la yimaadeen intii ay xilka hayeen, waxaana uu xusay waxa u qorshaysan inta ka hadhay xil muddoodkooga.

c3(25).jpg

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay oo uga mahad-naqay kuna hambalyeeyay xidhiidhka kubadda cagta, Dallada SONYO iyo guddoomiyeyaashi Degmooyinka, ciidanka Booliska iyo cidkasta oo gacan ka gaysatay tartankii ay u qabteen kooxahan Agaasimaha guud ee wasaaradda Maxamed Xuseen (Dhabeeye) iyo Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Maxamed Nuux. Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyiintii kale ee ka soo qeyb-galay xafladaas, waxaana ay si isku mid ah wasaaradda ciyaaraha, xidhiidhka kubadda cagta iyo SONYO ugu hambalyeeyeen tartankan ay ku kala saareen kooxaha heerka labaad iyo saddexaad.

c2(26).jpg

Ugu dambeyntii waxaa halkaasi ka hadlay soona gunaanaday wasiirka wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Cali Siciid Reygal, waxaana uu shahaadooyin lagu aqoonsayo heerarkooga uu guddoonsiiyay 20-kii kooxood ee kala guuleystay inay noqdaan kooxaha heerka labaad iyo saddexaad ee caasimadda Hargeysa. “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in tartankii sida quruxda baddan inoogu bilaabmay uu maanta si qurux baddan oo nabad ah uu inoogu qabsoomay oo aynu maanta shahaadooyin aynu ku aqoonsanayno heerarkooda aynu guddoonsiino, kooxaha heerka labaad iyo saddexaad waxay ahaayeen kooxaha ugu tirada baddan oo runtii ka wasaarad ahaan aanu runtii aanu ku dawakhnay marka maalin walba koox kasta ay sheegato heerka ay doonto laakiin maanta laga bilaabo taasi waynu ka baxaynaa oo waxaad tihiin kooxo la aqoonsan yahay oo wasaaradda iyo xidhiidhkuba ay aqoonsan yihiin, waxaan talaabadan aan aad iyo aad uga mahad-naqaya kuna hambalyeynayaa xidhiidhka kubadda cagta iyo cidkasta oo kala shaqaysay, waxaana ay maanta ii tahay maalin aan dareemayo farxad saa’id ah maadaama aanu so oaf-jarnay hawl aad noogu cuslayd, waxaana aan idin leeyahay kooxihiinan guuleystay hambalyo, hambalyo” ayuu yidhi Wasiir Reygal.

Sidoo kale Wasiir Cali Siciid Reygal waxa uu shahaado sharafyo guddoonsiiyay Dallada SONYO, Taliyaha ciidanka Booliska iyo Guddoomiyeyaashi degmooyinka oo dhamaantood gacan ka gaystay tartankii lagu kala saarayay kooxaha heerka labaad iyo saddexaad.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here