Hargeysa: Tababbar ku saabsan Tacadiyada iyo Xuquuqda aadanaha oo loo soo gabagabeeyay 60-qof + SAWIRRO

0
746

Hargeysa, (HargeisaPress) — Hay’adda wadaniga ah ee HYDA oo kaashanaysa hay’adda DRC ayaa waxa ay manta tababar ku saabsan Tacadiyada iyo Xuquuqda aadanaha u soo gabagabeeyay 60 qof oo ka tirsan ciidamada Booliska iyo asluuubta oo mudo Saddex maalmood tababar uga socoday hotelka Summer time ee Magaaladda Hargeysa..

Ka-qaybgalayaasha ka soo jeeda hay’adaha amniga ayaa xeerar, sharciyo ku saabsan Tacadiyada iyo Xuquuqda aadanaha si loo xaqiijiyo ku dhaqanka sharciyada caalamiga ah ee bani’aadamnimada sida ay ugu baahan tahay Qaramada Midoobay.

Agaasimaha guud ee hay’adda HYDA Khaalid X.Aaden Cabdi ayaa sheegay in tababarku uu muhiim u yahay caawinta ciidamada amniga ee Somaliland u hoggaansamaya shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

Khaalid X.Aaden Cabdi, ayaa uga mahadceliyay ka qaybgalayaasha in ay ka qeyb qaataan tababarka ayna ku boorriyeen in ay kor u qaadaan arimaha Tacadiyada iyo Xuquuqda aadanaha goobaha shaqada.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here