HARGEYSA: Sarrifka Dollar Oo Sababay Korodh Ku Yimid Qiimaha Koobka Shaaha Ah.

0
1472
Somali coffee, Hargeisa, Somaliland,

Hargeysa,(HargeisaPress) —Qiimaha koobka shaaha ah ayaa sare u kacay maqaaxiyaha laga qaxweeyo ee magaalada Hargeysa, ka dib markii uu hoos u dhac balaadhani ku yimid qiimaha sarifka lacagta shilinka Somaliland oo ay wax ku iibiyaan muqaaxiyuhu, iyadoo wax lagaga soo iibiyo lacagta doollarka oo sarifka $100 gaadhay 835.000 (SLSH) ah. Sarif bararkaas oo maceeshadiinna la qaaliyowday

Ismaciil Xasan oo ka mid ah Mulkilayaasha goobaha lagu iibiyo shaaha ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in ay is bixin wayday qiimaha ay wax ku iibiyaan iyo qiimaha ay wax ku soo iibsadaan, “Annagu waxaanu wax ku iibinaa lacagta shilinka Somaliland oo maanta gaadhay halkii ugu hoosaysay, waxa ayna wax nagaga iibiyaan bakhaarrada raashinku lacagta doolarka, haddii aanu ku nidhaahno Somaliland noogu bedela waxa ay boqolka doolar noo xisaabiyaan 835.000 oo shilin (SLSH),” ayuu yidhi Ismaaciil Xasan oo muqaaxi shaah ku haysta farasmagaalaha Hargeysa.

Qiimaha shaaha ayaa kordhay boqolkiiba konton iyada oo koobka shaaha ah laga siinayo magaalada Hargeysa 1,500 oo shilin, halka uu markii hore ka ahaa 1000 shilin , Ismaciil Xasan ayaa sheegay in ay suurogal tahay inuu koobka shaaha ahi gaadho 2,000 oo shilinka Somaliland ah haddii aan si degdeg ah tallaabo loo qaadin.

Kor u kaca shaaha ayaa ku soo beegmaya xilli suuqyada Hargeysa lagu sarrifayo boqolka doollar gacanta hore 810.000 oo Somaliland shilin ah, (SLSh), halka gacanta dambena lagu kala qaadanayay 835.000 (SLSH), waxa iyana la qaaliyoobay badeecadaha daruuriga ah iyo bagaashka.

HargeisaPress News Desk — Burco

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here