Hargeysa Oo Lagu Soo Celiyey Tahriibayaal Reer Somaliland Ah Oo Dawladda Soomaaliya Ka Keentay Liibiya

0
1217

Hargeysa,(HargeisaPress) —Tahriibayaal reer Somaliland ah isla-markaana Da’doodu u dhaxayso 18 Jir illaa Lixdan Jir oo dhawaan Dawladda Soomaaliya dib uga soo celisay Dalka Liibiya, ayaa Shalay soo gaadhay Magaalada Hargeysa.

Warka koowaadTahriibayaashan oo iskugu jira Rag iyo Dumar da’ ahaan aad u kala fog, ayaa waxa Tahriibayaal ay ka mid ahaayeen Dalka Liibiya ka soo qaadday Dawladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Magaceeda loo soo gaabiyo IOM, waxaana intii u dhalatay Somaliland laga soo dejiyey Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa Shalay.

Tahriibayaashan oo qaarkood Warbaahinta kula hadleen Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa faahfaahiyey wakhtiyadii ay Dalka ka Tahriibeen, dhibaatadii ay kala kulmeen Dalka Liibiya iyo sida ay u suurto-gashay inay Dalka dib ugu soo laabtaan.

Yaasiin Qaalib oo ka mid ah Tahriibayaasha laga soo celiyey Liibiya ayaa yidhi “Jeel ku yaalla Magaalo la yidhaaho Qarayaan ayaan Lix bilood ku jiray (Xidhnaa), Soomaali badana way ku dhibban yihiin Liibiya. Annaga intii aanu ku jirnay Jeelka waxa la noo soo diray Safiir Cali Fiqi (Safiirka Soomaaliya ee Liibiya), Safiirku markuu noo yimid wuxuu noo ballan-qaaday in Qof walba uu Lacagtii Tahriibka kaga baxday oo ahayd 11 kun oo Dollar ama in ka badan uu kala badh helayo, laakiin Dawladda Soomaaliya weli kamaanu helin, balse Caawimadooda way ku mahadsan yihiin (Dalka ay nagu soo celiyeen), laakiin Dawladdayada Somaliland waxaanu ka rejaynaynaa inay wax noo qabato.”

Gabadh ka mid ah Tahriibayaasha reer Somaliland ee lagu soo celiyey Hargeysa ayaa sheegtay “Waxaan Dalka maqnaa muddo 3 sanadood ah oo aan ku maqnaa Dalka Liibiya, 2015-kii ayaan Dalka ka baxay, waxa I qabsaday Magafe, markii la iga siidaayey haddana meel kale ayaa la igu qabsaday, waxa la yidhi soo Xawila Lacag intii hore u dhiganta oo ah 4700 dollar,  markaasi ka dib ayaa Abtigay oo Kuwait joogaa ila soo xidhiidhsiiyey Safiirka Soomaaliya ee Liibiya, Safiirka ayaa igu yidhi Amraneey miyaad tagaysaa oo go’aan baad gaadhay, waan tagayaa ayaan ku idhi, wuxuu igu yidhi waxa la idiin ballan-qaaday Lacag laba kun oo Dollar oo aan ku shaqaysano lana siino, laakiin markiii aanu Muqdisho ka soo degnay ee ay na soo dhaweeyeen Boqol boqol dollar ayay na siiyeen, markii aanu 11 Maalmood joognayna min laba boqol oo dollar ayay na siiyeen.”

Oday da’diisu ku dhowdahay lixdan sano jir oo ka mid ah Tahriibayaasha Hargeysa lagu soo celiyey oo isaguna Warbaahinta la hadlay Shalay ayaa yidhi “Dadkaas ayaan ka mid ahaa (Tahriibayaasha), Dadka dhoofaya (Tahriibaya) waxaan leeyahay waar Annaga ayaa soo aragnaye iska jooga Dalkiina oo Ciiddiina aamina, Dalkiina ka shaqaysta oo iska jooga meel loo dhoofo (Tahriibo) ma jirtee..”

Tahriibayaasha reer Somaliland ee Shalay lagu soo celiyey Hargeysa, ayaa tiradoodu dhan tahay 8 Xubnood, kuwaasi oo midkood gabadh tahay.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

LEAVE A REPLY