Hargeysa: Maxay Isla Meel-dhigeen Weftiga Ka Socday Dawladda Jabuuti & Xukuumadda Somaliland?

0
1292

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wefti ka socday Jamhuuriyadda Jabuuti oo labadii maalmood ee u dambeeyey ku sugnaa magaalada Hargeysa ee Caasimadda dalka, isla markaana kulammo la yeeshay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, kuwaasoo ay ka wadahadleen arrimo la xidhiidha nabadgelyada, wada-shaqaynta Hay’adaha Ammaanka iyo iskaashiga labada dal, ayaa Maanta Jimcihii Hargeysa ka ambabaxay.

Weftigan oo ay sii sagootiyeen Masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland ka tirsan ayaa intii aanay ka dhoofin Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, waxaa Saxaafadda la hadlay Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Ciir (Faratoon) iyo Wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti oo hoggaaminayey Weftiga dalkiisa ka socday Xasan Cumar Maxamed Burhaan, oo ka mahad-celiyey soo dhawaynta loo sameeyey intii ay joogeen, iyaga oo kulammada ka sokow la geeyey Khamiistii Xeryaha ama Talisyada Ciimmada Somaliland ee Hargeysa ku yaalla qaarkood.

Wasiir Faratoon oo ka hadlayey waxay Weftiga Jabuuti isla meel-dhigeen ama isla-soo qaadeen, waxa uu yidhi; “Waxaa sharaf weyn noo ah inaan sagootino Weftiga reer Jabuuti ee uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha ee ay weheliyaan Taliyaha Booliska iyo Saraakiil xilal Sarsare ka haya Hay’adaha Amniga ee Jabuuti. Muddadii Weftigu joogay Hargeysa waxaannu yeelannay wadahadallo qoto dheer oo ku saabsan danaha labada dal, wadahadalladaas aad baannu isugu afgarannay oo isugu fahnnay wixii aannu ka wadahadlnay, waxaanannu u wadahadalnay si ay ku dheehan tahay Walaalnimo, Jaarnimo iyo isa-soodhawayni ay ku dheehan tahay. Aad iyo aad baannu Weftiga u sii macasalaamaynaynaa. Waxaannu isku afgarannay inaannu is-dhaafsanno booqashooyin aannu hore ugu sii marinayno danaha labada dal, waxaanannu gaadhsiinnay inaannu hore u marinno wixii iskaashi iyo wada-shaqayn ah ee labada dal ka dhaxaysay.”

Sidoo kale, Wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti Xasan Cumar Maxamed Burhaan, waxa uu yidhi; “Magacayga iyo Magaca Weftiga waxaan ugu mahad-celinayaa Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Wasiirka arrimaha gudaha, waxaan leeyahay si sharaf leh baad noo soo dhawayseen, Somaliland labada Cisho ee aannu joognay sidaannu Jabuuti joogno oo kale ayaad naga dhigtee. Halkan Shaqaannu u nimi, Madaxweynaha waa la ii geeyey oo si fiican baannu u sheekaysannay, Wasiirka khaarajiga waannu sheekaysannay, waxaannu ka sheekaysannay nabad iyo horumarka labada dal, meel fiican baanan wax isla dhignay.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY