HARGEYSA: Haweenay Sheegtay Inay Xanuun Ka Qaadday Isticmaalka Bariis Caag Ka Samaysan & Xukuumadda Oo Ka Hadashay

0
1431
'Plastic rice'

Tijaabo: Haddaad Ka shakido Bariiska Aad Cunayso, Gacanta Ku Cajiin Oo Ka dhig Sida Kubadda, Dabadeedna Miiska Ama Dhulka Ku Tuur

Hargeysa, (HargeisaPress) —  Suuqyada Somaliland ayaa lagu arkay Bariis Macmal ah isla-markaana lagu sheegay Caag, kaasi loo soo ekaysiiyey Bariista Saxda isla-markaana khatar Caafimaad weyn ku keenaya Bulshada, haddaan laga hor-tagin.

Dhowr bilood ka hor, ayaa Dawladda Nayjeeriya waxay sheegtay inay qabatay Bariis laga sameeyay Caag, kaasi oo suuqyadeeda la soo geliyey, si Bulshadu iibsadaan iyagoon ogeyn, waxayna ka qaadday Tijaabooyin lagu xaqiijiyey inuu yahay Bariis Caag ah.

laakiin, bariiskaasi oo Shacabka Somaliland qaarkood sheeko ku maqleen ayaa waxa lagu arkay Suuqyada Magaalada Hargeysa oo lagu iibinayo, siday ku warrantay  Hodan Cabdi Warsame oo ka mid ah Bulshada ku dhaqan Magaalada Hargeysa isla-markaana bariiskaasi laga iibiyey oo muddo u isticmaalaysay sida Bariiska rasmiga ah.

Hodan oo Shalay Saxaafadda ugu warrantay Gurigeeda ayaa tidhi “Bariiska waxaa naga iibiyey Meherad ku taalla Hargeysa, wuxuu ku jiraa Jawaanno Buluug ah, muddo ayaanu cunaynay, markii aanu tijaabinayna wuxuu noqday Caag. Bariis Jilcaya maaha marka la karinayo, hadday biyuhu kaaga bataan maaha bariis isku dhegaya sida bariiska caadiga ah.”

Hodan oo hadalkeeda sii wadata ayaa sharraxaad ka bixisay siday ku ogaatay inuu Bariis Caag ah yahay, “Markaan tijaabinayey waxaan ka dhigay sida kubadda oo kale (Gacanta ayaan ku cajiimay), dabadeedna Dhulka ayaanu ku dhuftay, markaas ayuu u bood-booday sida Kubadda, halka Bariiska Caadiga ahi uu Dhulku ku dhego, ama uu kala furfurmo.”ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay in Cunista Bariiskan Caagga ah ay Caafimaad-darro ka qaadday, “Waxaan dareemay Calool aan caadi ahayn, waxaan u tagay Dhakhtarka, waxaan Gaas-teri ahayn waa la iga waayay.

Xanuunka Gaas-terigana Aniga iyo Qoyskayagu maanu lahayn, aniga ayaa ugu horeeya Xanuunka Gaas-teriga, waana Bariiska, Waayo? Caloosha Qofka wax badan ayuu yeelayaa. Bariiskani hore waxba Dadka uma yeelayo, laakiin Qofku markii muddo cuno ayuu beerkiisa waxyeelayaa.”ayay tidhi, waxayna intaa sii raacisay inay maqashay inay jiraan Beed Caag ah iyo Keeggaga Carruurtu cunto oo Caag laga farsameeyay, “Waxa soo baxay ayaa la leeyahay Beed Caag ah iyo Keegga Carruurtu Cunto oo Caag ah.”

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgeshiga Somaliland Dr. Cumar Shucayb oo Shalay Saxaafaddu waydiisay waxa uga meel yaalla Bariiskan Caagga ah ee la sheegay inuu Dalka soo galay, ayaa ku jawaabay “Waxaanu u ballansanahay Hay’adda Dhowrista Tayada inaanu Tijaabo ka qaadno (Bariiska), oo intaanu Shirkadaha waaweyn ee Bariiska soo dejiya laga qaado loo diro Nairobi (lana soo baadho).” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inaan Xukuumaddu ogolaanayn in Ganacsatadu Dadka Sumeeyaan, “Xukuumad ahaan Cidna Raali looga noqon maayo, Ciddii lagu Qabto (Bariiskaa Caagga ah), marka  Tijaabadaa laga qaado, Cidda ay ku cadaato Tallaabo sharci ah ayaa laga qaadi doonaa, waxaana lagala noqon doonaa Ruqsadda Ganacsi.”

HargeisaPress News Desk — Hargeisa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY