Hargeysa: Diwaangelinta iyo Tiro-koobka Shaqaalaha Maxkamadaha Somaliland oo la Dhammaystiray

0
1084

Hargeysa , (HargeisaPress) —Hay’adda Shaqaalaha ee Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dhammaystirtay tiro-koobka iyo diwaangelinta shaqaalaha kala duwan ee ka hawlgala xarumaha dhexe ee maxkamadaha kala duwan ee dalka Somaliland.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Md. Sharmaarke Axmed Muxumed (Geelle) maata, kadib markii uu kulan la qaatay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed.

Qoraalka uu Guddoomiye Sharmaarke Geele ku faafiyey face-book-giisa oo dhammaystirana waxa uu u qornaa sidan; “Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland oo muddooyinkii u dambeysay ku hawlanayd diwaangelinta iyo tayeynta shaqaalaha dawladda, ayaa kulan la yeelatay guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Md. Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed.

Intii kulanku socday waxa aanu Guddoomiyaha uga mahadcelinay gacantii wanaagsanayd ee uu ka gaystay intii lagu jiray diiwaangelinta shaqaalaha maxkamadaha hoose (degmada, gobolka iyo racfaanka) iyo Maxkamadda Sare ee dalka. Shaqaalaha ka hawlgala Maxkamaddaha hoose iyo Maxkamadda Sare ayaa marka laga reebo garsoorayaasha iyo xeer-ilaaliyeyaasha ah shaqaale dawladeed (Civil Service), kuwaas oo lagu dhaqo sharciga shaqaalaha dawladda ee sharci Lam. 7/96.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa dhankiisa xusay sida uu ugu faraxsan yahay hawl-qabadka tirinta iyo tayeynta shaqaalaha dawladda, isagoo tilmaamay qiimaha ay leedahay in la helo shaqaale tartan furan shaqada ku soo gala, isla markaana tayo sare la gaadhsiiyo, taasina ay horseedi karto in ay adeeg hufan shacabka gaadhsiiyaan.

In shacabka dalku helaan caddaalad, sharci, shaqo iyo u sinnaan khayraad waa hiigsiga iyo halbeegga kaliya ee dal u daadihin kara horumar iyo kaalin la mahadiyo.

Ilaahay fadligii, waxaa soo dhammaaday diiwaangelinta shaqaalaha dawladda ee ku sugan xarumaha dhexe ee hay’adaha dawladda, iyadoo imminka gacanta lagu hayo shaqaalaha hoos yimaada gobolka Maroodijeex, Insha Allaah-na dhawaan gobol kale laga bilaabi doonno. Waxaa soo bidhaamaya bilowga shaqaale sharaf leh, adeeg raaligelin leh iyo shaqo shuruud leh,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY