HARGEYSA: Dadwayne Gadoodsan Oo Ka Dhiidhiyay Dulmiga Ay Xukuumadda Siilaanyo Ku Hayso Qoyskii Muj. Axmed Jimcaale Oo Xoog Lagu Dhisanayo Dhulay Leeyihiin

0
1860
Xukuumada Somaliland sifo sharci daro ah iyo xoog KU dhisaysay Dhulka

Hargeysa, (HargeisaPress) — Saaka arooryadii hore ayaa waxaa  weerar culus ku soo qaaday dadwayne gadoodsan dhul ay lahaayeen qoyskii mujaahid Axmed Jimcaale oo ahaa gudoomiyihii u horeeyay ee SNM Muj. Axmed Jimcaale oo ay xukuumada Somaliland sifo sharci daro ah iyo xoog udhisaysay cid kale oo aan lagaranayn cida ka iibisay ,dadka oo Iygau isku dayay in ay buburiyaan seef sharci daro ah oo laga waday meeshan ismarkaana ku  hubaysnaa dhagaxaan iyo wax lamida ayay iska hor yimaadeen ciidanka booliska, kuwasi oo iyagu ka difaacayay goob ay xooga ku dhisayaan  balse wax khasaare ah kama dhicin,dagaalkan oo socday mudo saacad ah ayaa markii danbe waxay ciidamadu  dadkii gadoodsanaa u adeegsadeen xabad nool oo ay kukala dareeriyeen.

Qoyskan uu ka tagay gudoomiyihii u horeeyay Ee SNM Muj. Axmed Jimcaale ayaa ku jahawareeray cida ay xukuumadu ka hor gaysay iyaga oo farta ku fiiqay in ay ka danbeeyaan dad xukuumada ka tirsan oo dhadhamo ka raadinaya dhulkoogii. Iyo waliba hugunka ciidnka oo ay ku tilmaamen mid tacadi ah.

Si kastaba ha ahaatee dhulka ku yaala xaafada jigjiga Yare ee ku teedsan laamiga ayay xukuumadu hunguri wayn kaga jiraa halkaas oo labadii sano ee u danbeeyayba ay ka taagan tahay shaqaaqooyin soo noqnoqda iyada oo hore loo ogaa Arimihii ka dhacay.

Muwaadin Samatar Axmed Jimcaale oo dhawaan warbaahinta kula hadlay Hargeysa

Muwaadin Samatar Axmed Jimcaale oo dhawaan warbaahinta kula hadlay Hargeysa waxaa uu sheegay in dhulkan oo ahaa beer uu aabahood iibsaday dhawr iyo konton sanno ka hor ay ku qabsadeen dad kale oo sheegay inay lahaanshiyihiisa warqado u haystaan la siiyey xilligii Siyaad Barre, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay xukuumadda garabka haystaan.

Hadaba arintan ayaa laga cabsi qaban inay abuuri karto xaalado amaan daro haddii aan si deg deg ah wax looga qaban.

HargeisaPress News Desk — Berbera

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here